Amniga Magaalada Jigjiga oo La Adkeeyay

0
971

Jigjiga (Hargeisapress)- Komishinka Booliska dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in amniga magaalada Jigjiga aad loo adkeeyay maadaama ay imanayaan magaalada marti kor u dhaafaysa 700 oo qof oo ka imaanaysa Degaanka Oromiya.

Taliyaha Booliska Dawlad deeganka Soomaalida R/Komishiner Maxamed Cali Xasan (Maxamed Yare) oo Warbaahinta la hadlayay ayaa sidoo kale sheegay in goobaha ay martidu degayso ciidan amnigooda suga la geeyay.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in guud ahaan diyaar garow adag laga galay sugida amniga magaalada Jigjiga, iyadoo markii horeba amniga magaalada la sugi jiray haddana lasii adkaynayo maadaama marti kasocota Oromiya degaanka imaanayaan.

Martida ka socota Degaanka Oromiya ayaa u imanaysa Jigjiga Shir wada tashi ah oo labada degaan ee Oromiya iyo Soomaalidu barito uga furmaya magalaada Jigjiga.

Amniga magaalada Jigjiga ayaysan wax dhib ah ka jirin, haddana markii ay mart imaanayso ama madax waala sii adkeeyaa amniga magaalada iyadoo laga cabsi qabo in martida la wax yeeleeyo.

WARIYE: XAMSE JIRDE

HARGEISA PRESS.COM

OFFICE HARGEISA

LEAVE A REPLY