Amiirkii Kuwait oo Saaxiib Dhow La Ahaa Somaliland oo Geeriyooday

0
2523

Kuwait (Hargeisa Press) – Amiirkii muddada dheer xukumayey dalka Kuwait Sheikh Sabah Al Ahmad Al Sabah, ayaa maanta geeriyooday isaga oo 91 jir ah, waxaa sidaas sheegay taleefishinka dowladda.

“iyada oo murugo weyn ay tahay, waxaan la tiraanyooneynaa dhimashada Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah, amiirkii dalka Kuwait,” waxaa sidaas sheegay Sheikh Ali Jarrah Al-Sabah, oo ah wasiirka arrimaha boqortooyada, oo la hadlay taleefishinka dowladda.

Sheikh Sabah ayaa waxa lagu xusuusan doonaa diblomaasiyaddiisa siyaasadda Bariga Dhexe ee uu isku dayey inuu ku xaliyo khilaafka u dhaxeeya Qatar iyo dowladdaha kale Khaliijka oo ay ka mid yihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka oo mar qudha xidhiidhka u jaray Dalka Qatar.

Sheikh Sabah ayaa waxaa lagu wadaa inuu beddelo walaalkii, ahna dhaxal-sugaha Sheikh Nawaf Al Ahmad Al Sabah.

Sheikh Sabah ayaa ahaa 91 sano jir. Waxaa la keenay dalka Maraykanka gaar ahaan magaalada Rochester ee gobolka Minnesota bishii July kadib markii mas’uuliyiinta dalkaasi ay sheegeen inuu xanunsanayo.

Ka hor ita aanu noqonin Amiirka waxa uu ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi muddo ka badan 40 sano.

Xidhiidhka Somaliland iyo Kuwait

Amiirka geeriyooday, ayaa xidhiidh saaxiibtinimo la lahaa Dawladda iyo Shacabka Somaliland, waxaana qoyskiisu maal-geliyey mashaariic gargaar oo ay Hay’adda mucaawimooyinka dalkaasi ka fulisay Somaliland.

Waxa kamida Dugsiga Agoomaha ee Magaalada Hargeysa oo ah mid kamida meelaha ay ku suntantahay taageerada Kuwait.

Amiir Sabah Al Ahmad Al Sabah, ayaa lagu tilmaamaa mid kamida hogaamiyeyaasha Khaliijka ee sida weyn u ixtiraami jira Somaliland, waxaanu qasriga looga arrimiyo dalkaasi ku qaabiley laba madaxweyne oo soo maray Somaliland, kuwaasoo kala ahaa Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Geesta kale, Dawladda Kuwait waxa ay Somaliland ku caawisay mashaariic lacag badan ku baxday oo dib-u-dhis loogu sameeyey garoonka Diyaaradaha ee caasimada Hargeysa.

Waxa kale oo xusid mudan in Qoyska Boqortooyada Kuwait uu leeyahay Mashruuc Maal-gashi ah oo duleedka Magaalad Sheikh uu muddo dheer ku lahaa, kaasoo ah Hudheel iyo goobo kale oo dalxiis.

 

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY