Amal Bank Oo Soo Bandhigay Barnaamijka Hodmiye Ee Horumarinta Ganacsiga Haweenka

0
759

Hargaysa (HP): Baanka Amal Banka ee gaarka loo leeyahay qaybtiisa Somaliland ayaa maanta magaaladda Hargaysa ku soo bandhigay wejigii labaad ee Barnaamijka Hodmiye ee taageeridda haweenka ganacsatadda ah.

Waxaana mashruuca Hodmiye lagu maalgeliyaa Haweenka haysta ganacsiga yar yar  oo lacag lagu siinayay, iyadoo haweenkaasi aanu baanku uga baahnayn in ay soo celiyaan lacagtaasi.

Munaasibad balaadhan oo loo qabtay shaacinta wejiga labaad ee mashruuca Hodmiye waxaa ka soo qayb galay  wasiirka horumarinta maalgashiga Somaliland, agaasimaha guud ee wasaaradda shaqo gelinta, xubno ka socday ururradda Haweenka ee Now iyo Nagaad.

Sidoo kale waxaa munaasibadaasi goob joog ka ahaa C/fataax Ismaaciil Daahir, oo ah guddoomiyaha Amal Bank  qaybta Somaliland iyo qaar ka mid ah shaqaalaha iyo masuuliyiinta sar sare  ee shirkadda Amal Bank qaybteedda magaaladda Hargaysa.

Mashruucaasi maalgelinta haweenka ganacsatadda ah ayaa si weyn loogu amaanay Amal Bank, kaasoo aanay ganacsatadaasi haweenka ah kaga doonaynin wax faa’iido ah ama in ay lacag soo celiyaan.

Waxaanu Amal Banka barnaamijka Hodmiye  ugu tallo galay in lagu horumariyo haweenka ganacsatadda ah ama leh hal abuur ganacsi.

Kaasoo ah barnaamij lacag kaash ama cadaanka ah loo qaybinayo haweenka, oo ay ku soo shaqaysanayaan, kadibna ay  oo celinayaan iyadoo aan wax faa’iido ah la saarin

Sida uu sheegay guddoomiyaha Amal Banka qaybta Somaliland C/fataax Ismaaciil Daahir, oo hadal ka jeediyay munaasibadaasi ay ku shaacinayeen wejiga labaad ee barnaamijka Hodmiye.

 

DAAWO: Warkaasi:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY