Al-shabaab oo sarkaal ka tirsanaa hay’adda nabad-sugida ku dishay Muqdisho

0
1232

BREAKING-NEWS-LOGO-3Muqdisho, (HargeisaPress) — Kooxo hubeysan oo watay gaari yar ayaa saaka ku toogtay degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir sarkaal ka tirsanaa ha’yadda nabad-sugidda Qaranka Soomaaliyeed iyo darawalkiisii, iyagoo dhaawacay laba askari oo ilaalo u ahaa sarkaalka.

Weerarkan oo u muuqday mid qorsheysan ayaa la sheegay in kooxaha hubeysani ay gaari ku hor-gooyeen gaarigii uu watay sarkaalkan iyagoo rasaas geystay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ah ku furay sarkaalka iyo ilaaladiisii.

“Sarkaalka dhintay waxaa lagu magacaabi jiray, Ibraahim Axmed Faarax oo ahaa taliye ku xigeenka argagixiso la-dirirka iyo darawalkiisii oo ahaa askari isna nabad-sugidda ka tirsnaa, sidoo kale laba ka mid ah ilaaladiisii ayaa la dhaawacay,” ayay saraakiil ka tirsan dowladda u sheegeen warbaahinta maxaliga ah.

Mas’uuliyiinta dowladda ka tirsan ayaa intaas ku daray in weerarka ay ka dambeyso Al-sabaab uuna ahaa mid qorsheysan, ayna kooxihii dilkan iyo dhaawacan fuliyay ay ka baxsadeen goobtaas.

Dhaawacyadii ka dhashay weerarkan ayaa la dhigay isbitaalka Madiina ee Muqdisho si loogu daweeyo, iyadoo weerarkan uu noqonayo kii ugu horreeyay noociisa oo lagu dilo ciidammo ka tirsan kuwa nabad-sugidda Qaranka.

Al-shabaab ayaa sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarkaas, ayna fuliyeen ciidamadooda gaarka ah ee loogu talo-galay ugaarsiga saraakiisha argagaxiso la-dirirka, iyagoo sheegay in ay sii wadayaan ugaarsiga saraakiisha sirdoonka dowladda Soomaaliya.

“Ciidamadeenna gaarka ah ayaa toogtay taliye ku xigeenkii kooxda isku magacowday arga-gaxiso la dirirka, waxaana shacabka Soomaaliyeed ku adkaa inay fahmaan dhibaatooyinka ay geystaan ragga la dilay iyo kuwa kale ee nool, laakiin Al-shabaab cadowgeeda si fiican ayay u taqaannaa,” ayuu yiri sarkaal u hadlay Al-shabaab.

Xarunta Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa tan iyo markii uu ramadaanku billowday ka dhacyay dilal ay fulinayeen kooxo hubeysan, kuwaasoo lagu dliay tiro dad ah oo isugu jiray shacab, ciidamo iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo uu ku jiray xildhibaan Xayd.

Hay’adda nabad-sugidda Qaranka ayaan weli ka hadlin weerarkan, iyadoo uu kusoo beegmayo xilli hay’adda nabadsugidda iyo booliiska loo magacaabay laba taliye oo cusub, isla markaana la magacaabay wasiirka amniga Qaranka oo sheegay inuu ka shaqeyn doono ammaanka Muqdisho.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here