Al-Shabaab oo Qarax La Beegsatay Nin Baraha Bulshada Ka Weeraray

0
598

Muqdisho (Hargeisa Press) – Warar kala duwan, ayaa ka soo baxaya qarax maanta ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaas oo jugtiisa laga maqlay nawaaxiga waddada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarrama.

Qaraxa, ayaa waxaa lagu soo warramayaa in gaadhigiisa loogu xidhay nin lagu magacaabo Musharaf Maxamed Macalin, xilli uu marayay agagaarka isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Musharaf, ayaa waxaa soo gaadhay dhaawac, iyadoona loola cararay mid ka mid ah isbitaallada ku yaallo magaalada Muqdisho.

Weerarka qaraxa ah ee lala beegsaday ninkan dhalinyarada ah oo sidoo kalena u shaqeynayey dowladda Soomaaliya, ayaa yimid saacado kadib, markii uu fariin ka dhan ah Al-Shabaab ku baahiyay bogggiisa Facebook-ga, isaga oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxdaas.

Sidoo kale Musharaf Maxamed, ayaa ka tirsanaa shaqaalaha xafiiska xeer ilaalinta ee maxkamadda ciidamadda Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Hoose ka akhriso qoraalkiisa, kahor inta aan lala beegsan qaraxa.

Sida dhaqanka iyo Diintuba tahay, Ninka Ragga ah, seddax lagama maro, waa; Reerkiisa, xoolihiin iyo sharaftiisa.

“AS, dhowr iyo toban sano ayay Gabdhaha si dulmi ah u guursanayeen, doonasho la’aan iyo meher qasab ah. Umadda xoolahooda dhacayeen, qofkii maya yidhaahdana dhiigiisa ayay bannaysanayeen” ayuu ku yidhi qoraalkiisa.

Qofkasta oo raalli ka noqda sii socoshada intaa, ka damqan ama ayna dhibin ugu yaraan waa duyuus aan damiir lahayn.!

Duyuusku Janno ma galo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here