Akhriso: Khasaare Ka Dhashay Roobab Duufaano iyo Dabaylo Wata oo Ka Da’ay Xeebaha Somaliland

0
615

Berbera (Hargeisa Press)- Roobab xoog leh oo duufaano iyo dabeylo wata ayaa ka da’ay deegaanno ka mid ah xeebaha Somaliland.

Wararka laga helayo roobabka duufaanta iyo dabaylaha wata ayaa waxa ay sheegayaan in uu ka dhashay khasaare.

Meelaha uu khasaraha u geystay Roobabka duufaanada wata ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Cabdi Geeddi oo waqooyi kaga beegan magaalada Hargaysa, halkaasi oo la sheegay inay guryo ku dumeen balse aanay dad wax ku noqon.

Sidoo kale, wararka ka imanaya magaalooyinka xeebaha ah ee Berbera,Maydh iyo Saylac ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay iyana ka da’een Roobab aad u xoogan oo wata duufaan iyo dabayl, iyadoona ay ka dhasheen khasaare.

Dhinaca kale, Hayadda ka hortaga masiibooyinka Somaliland ayaa hore uga digtay duufaantan ku dhufatay xeebaha Somaliland iyo inay ka digtoonaadaan dadka degan xeebahaasi.

Somaliland ayaa waxa hore ugu dhufatay duufaanta Sagar oo khasaare badan ka gaysatay Xeebaha Somaliland.

Hargeisa Press Desk/ Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY