Agasimaha Cusbitaalka Dhimirka Hargaysa Oo Baaq U Diray Bulshadda

0
673

Hargaysa (HP):  Agaasimaha waaxda dadka xanuunka Dhimirka qaba   ee cisbitaalka guud ee magaaladda Hargaysa ayaa bulshadda ugu baaqay inay u keenaan huga   dhaxanta laga xidhanayay, bustayaal iyo funaanado maada lagu jiro xiligii dhaxanta.

Iyadda oo wakhtiga hada lagu jira uu yahay mid qabaw darani uu dhaco waxaa uu bulshaweynta reer Somaliland ka codsaday in dadaalkii iyo kaalmadii ay awalba la garab taagnaayeen ay libin laabaan oo ay kordhiyaan taageeradii iyo taakuleyntii ay la garab-taagnaayeen mar walba.

Sidoo kale Dr. Mustafe waxaa uu sheegay in dadka cisbitaalka maskaxda ee magaalada Hargeysa ku jira ay ka dhiman waayeen bulshadda qaybaheeda kala duwan, oo uu tilmaamay in ay kaalin muuqata ka qaataan gar-gaaridooda.

Dr. Mustafe Xuseen Xirsi,  oo  arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Cusbitaalka waxaa ku jira 62-raga iyo 3-haweena 65-kaasi maada la dhisayo qaybtii dumarka. Iyaddoo bukaan socodku aad u badan yahay, oo tobaadkii  labada cisho ee Axadda iyo Isniinta aanu min todoba qof eegno, tobaadkasta waxaa aanu eegna bukaanadda cusub oo aad moodo in xannuunkii sii kordhayo baahiyaha jira awgeed sida shaqo la’aanta.

Xashiishadii oo gidaarkasta maanta taalla dhalinyaradda oo xiligii laga faa’iidaysan lahaa ama ay faa’iidaysan lahaayeen dhinacaasi u baydhaya dhab ahaantii ILLAAHEY ha soo hadeeyo, dhibaato badan, dadka xannuusanaya ee suuqa meeraysana waxaa ay u baahan yihiin maryo ay dhaxanta ka xidhaan”.

‘Markaa ummada Muslimiinta ah guda iyo dibadba waxaan halkan uga soo jeedinayaa inay u soo gurmadaan waa xiligii dhaxantee ay u baahnaayeen Bustayaasha, Koodhadhka, Funaanadaha iyo wax kasta oo dhaxanta lagaga gaashaanto,  walaalahood ha soo caawiyaan islamarkaana ay u keenaan koodhadhkii, bustayaashii dhaxanta, imika waxaa aanu heynaa toban qof oo aan ehelba laheyn”ayuu yidhi agaasimaha cusbitaalka dhimirka Hargaysa.

Sidoo kale Dr. Mustafe waxaa uu sheegay in dadka cisbitaalka maskaxda ee magaalada Hargeysa ku jira ay ka dhiman waayeen bulshadda qaybaheeda kala duwan, oo uu tilmaamay in ay kaalin muuqata ka qaataan gar-gaaridooda.

Waxaanu yidhi,  “Cusbitaalkaasi waxaa uu ka dhiman laayahay bulshada qaybaheeda kala duwan, sida urrurka Nasteexo oo kale, urrurka Gudoon, urrurka Peace Care, Takaful, mulkiilaha Maansoor Huteel oomaalin walba cuno gooniya oo uu u soo sameeyo u keena, ganacsadaha Baxsane oo isagu mar walba Timirta u keena”.

Dhanka kale Dr. Mustafe Xuseen waxaa uu si cad u sheegay in ay kala badan yihiin culeyska cisbitaalka heysta iyo dhulka ay heystaan.

Waxaanu yidhi “Culayska aanu heyno iyo meesha aanu joogna waa ay kala weyn yihiin, waayo culeyska ayaa ka badan baaxadda dhulka ee aanu heysano, cisbitaalkuna cisbitaal ayuu ku sii dhexyaala oo waad garaneysaa culeyskeeda.

Waxaana y u baahan yihiin meelo ay ka hellaan tababaro oo marka ay baxaan ee ay bogsaddaan la geeyo tababarna ay ku qaataan dabadeedna dibada marka ay u baxaan ay ku shaqo tagi karraan, waxaan dhici karrta isaga oo bila xirfaada in xannuunku halleelayba marka si aanu xirfadd ugu sameyno in la hello meelaha noocaasa, oo dhinacana Bukaankii lagu daweynayo dhinacana ay ka helayaan farsamooyinkii lagu shaqeynayay”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY