Agaasimeyaal Guud Oo Kulan La Yeeshay Dawladda Hoose Ee Boorama

0
1039

Boorama (Hargeisa Press.com): Agaasimeyaasha guud ee Wasarradaha arimaha gudaha, horumarinta Caafimaadka iyo Waxbarashada  ee Somaliland ayaa maanta kulan la yeeshay maamulka dawlada hoose ee magaaladda Boorama.

Kulankan oo ka qabsoomay Hoolka shiraraka dawlada hoose ee Boorama, ayaa lagaga hadlayay waxyabihii ka hirgalay mashruuca maamul daadejinta dawladaha hoose ee loo yaqaano JPLG, ee dhinacyada caafimaadka iyo  waxbarashada.

Ugu horay na waxaa masuuliyiinta halkaa ku soo dhaweeyey guddoomiyaha golaha degaaanka degmada Boorama Saleebaan Xasan Xaddi.

Wuxuuna sheegay inay tahay markii u horaysay ee masuuliyiin intan tirro le’eg ay u yimaadaan Boorama arrimaha maamul daadejinta ee mashruuca  JPLG (join program for local governments).

Dhankooda-na waxa halkaa ka hadlay agaasimeyaasha guud ee wasaarradaha Horumarinta caafimaadka iyo  waxbarashada iyo Sayniska Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye iyo Axmed Abokor Maxamed.

Waxaanay  sheegeen in mashruucani wax weyn ka qabtay dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada.  Iyagoo intaa raaciyay inuu isu soo dhaweeyey masuuliyiinta gacanta ku haysa mashruucan iyo bulshadii la gaadhsiinayay adeegyadda.

Masuuliyiinta ayaa ballan qaaday in mashruucaasi sii socon doono marka ay hay’adaha gacanta ku haya imika uu ka dhamaado ee ay dawladu la wareegto.

Gebagebadii kulankaasi waxa halkaa hadal ka soo jeediyey agaasimaha guud ee wasaaaradda arrimaha gudaha Cabdi Axmed Nuur  (Cabdi Guray),  oo sheegay in safarkoodu daaranaa sidii ay u qiimayn lahaayeen daneeyeyaasha mashruucani sida uu uga hirgalay degmada Boorama mashaariicihii loogu tallo galay.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY