Agaasime-waaxeedyadda Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Oo Tababar Loo Furay

0
733

Hargaysa (Hargeisa Press):Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Somaliland Mukhtaar Maxamed Cali, ayaa maanta tababar u furay agaasime-waaxeedyadda wasaaradaasi

Waxa kaloo ka soo qaybgalay furitaankii aqoon kordhsigaasi Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo saraakiil kale oo ka tirsan Hay’adda Shaqaalaha dawladda.

Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jaamac Cawil Nuux oo ka hadlay furitaankii aqoon korodhsigaasi ayaa sheegay in ay aqoon korodhsigaasi agaasime waaxeedyadu ku qaateen sidii nidaam sharciya oo hufan loogu fulin lahaa foomka qiimeynta shaqaalaha, iyadoo la dabaqayo Lix iyo Toban hab raac oo ay jidaysay Hay’adda shaqaalaha Dawladdu.

Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Cabdikariim Maxamed Xaaji Cali oo halkaas ka hadlay ayaa u mahadceliyey Waaxda Shaqaalaha ee Wasaaradda Warfaafinta oo uu tilmaamay in muddadii koobnayd ee ay jirtay ay u shaqeysay si waxqabad leh.

Waxa kaloo uu ku ammaanay Wasaaradda Warfaafinta  kaalintii wax ku oolka aheyd ee ay Idaacadda iyo Telefishanka Qaranku ay ardayda dalka waxbarashada ugu gudbinayeen qalabka warbaahinta muddadii lagu jiray xayiraadihii ka dhashay xannuunka COVID 19, taasi oo uu tilmaamay inay ahayd fikrad   ay kaga daydeen dalalka kale ee Geeska Afrika.

Cabdikariim Maxamed Xaaji Cali waxa uu u soo jeediyey Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda inay aqoonta ay ka kasbadaan aqoon korodhsigaas ay ku daboqaan hawlmaalmeedkooda shaqo.

Agaasimaha Waaxda Telefishanka Qaranka, Maxamed Xasan Cali (Weji) iyo Agaasimaha Waaxda Qiimeynta Shaqaalaha ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Saleebaan Maygaag, ayaa ka warramay ahmiyadda qiimeynta shaqaaluhu ay u leedahay maamul wannaaga iyo sida loogu baahan yahay in qiimeynta hawlwadeennada dawladda loogu salleeyo  Hay’ad walba hawlaheeda gaarka ah.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL  Md. Mukhtaar Maxamed Cali,  ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in aqoon korodhsigaasi loo qabto Agaasime Waaxeedyada.

Waxaanu tilmaamay in ay  muhiim tahay inay fahmaan ahmiyadda ay shaqada iyo shaqaalaha u leedahay qiimeynta sannadlaha ah ee hawlwadeennada dawladda. Waxaanu u mahad celiyey Waaxda Shaqaalaha oo soo agaasintay aqoon korodhsigaasi.

Agaasimaha guud ee Warfaafintu wuxuu ugu baaqay Agaasimeyaasha Waaxaha inay ku dhaqmaan xogta iyo aqoonta ay ka kasbadaan aqoon korodhsigaasi.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY