Agaasimaha Waxbarashadda Oo Furay Kulan Ay Soo Agaasinta Dallada SONYO Iyo Haay’adda SOS + SAWIRRO

0
677

Hargaysa (HargeisaPress) —Agaasimaha Wasaarada Waxbarashada Iyo Sayniska Somaliland Oo Furay Kulan Dallada SONYO iyo Hay’adda SOS-Somaliland ay soo qaban qaabiyeen oo ku saabsanaa Siyaasada waxbarashada dugsiyada sare ee Somaliland.

Dallada SONYO oo kaashanaysa Hay’adda SOS-Somaliland iyo wasaarada waxbarashada iyo Sayniska ayaa waxa kulan lagaga hadlaayay siyaasada waxbarashada dugsiyada Sare ee Somaliland waxa ay ku qabteen Hoolka dallada SONYO ee Hargeysa, waxaana kulankaasi furay agaasimaha wasaarada waxbarashada iyo sayniska mudane Axmed Abokor Maxamed waxaanu yidhi.

 

“si gaara waxaad halkan imika ugu eekteen siyaasada waxbarashada dugsiyada sare waxaa ka khuseeya, dugsiyada sare sidaad wada ogsoontahiin waa marxalado mihiima oo u ah muhiim markaa xaga kobaca waxbarashada maxaa yeelay waa biriishkii isku xidhaayay tacliintii sare iyo tacliintii aas aasiga ahayd, qofku marka uu 12 (Labba iyo Tobban) Sano wax soo barto ee uu u gudbaayo marxalada waxbarashada sare waa marxalad loo baahanyahay in la siiyo waxbarasho tayo leh, la saaro sidoo kale culays fara badan aqoon fara badan la siiyo aad iyo aadna looga taxadaro ardeygaas iyo mustaqbalkiisa, maamulayaasha, masuuliyiinta tacliinta sare wax ka dhiga iyo masuuliyiinta kaleba waxaan aad ugu dardaarayaa inay jiraan dugsiyadeena sare waxyaalo fara badan oo runtii ka dhiman, ardeygu markuu dugsiga sare joogo aqoonta la baraayo ka sokow, waxaa loo baahanyahay in uu helo tijaabada sayniska oo kale tusaale ahaan haduu xisaab baranaayo aan la barin uun xisaab khaliya balse la baro (mathematics) xisaabtii baratikaalka ahayd iyo siday nolosha ula fal galaysay waxyaabo badana la fahansiiyo.”

Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Prof.Qalinle oo ka socday wasaarada waxbarashada iyo sayniska isla markaasina qeyb ka ahaa barnaamijka siyaasada waxbarashada ee ay iska kaashadeen Dallada SONYO iyo Hay’adda SOS-Somaliland.

“Barnaamijkan SONYO iyo SOS-Somaliland wada fulinayaan oo ah siyaasadii waxbarashada qaranka Jamhuuriyada Somaliland oo markii hore wasaaradu ogolaatay isla markaasina la qoray in loo soo bandhigo dugsiyada 10 Dugsi oo ku yaala min Boorama ilaa Sheekh, macalimiintooda iyo ardeydoodaba iyada oo la leeyahay nala eega baal waxaad ku soo kordhin karaysaan ku soo kordhiya. siyaasadan oo ka koobnayd dhawr qodob oo ah ku dhawaad 22 qeybood, waxaana dib u eegista lagu sameynaayay labba qeybood oo ay ka mid yahiin qeybta dugsiyada Sare, markii aanu u soo bandhignay qeybahii kala duwanaa oo ay ka mid ahaayeen waalidiintii ardeydii iyo macalimiintii waxyaabo badan oo ay nagu soo kordhiyeen ayaa jira.

Barnaamijkan siyaasada waxbarashada dugsiyada sare ee Somaliland oo ay wadajir u fuliyaan Dallada SONYO iyo Hay’adda SOS-Somaliland oo kaashanaya wasaarada waxbarashada iyo sayniska ayaa waxaa uu qeyb ka yahay mashruuca Codka Dhalinyarada ee VOY oo ka socda 10 dugsi sare oo ku kala yaala gobalada jamhuuriyada Somaliland.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY