Hargaysa: Shir Ku Saabsan Dib U Habaynta Shuruucda Caalamiga Ee Deegaanka

0
191

Hargaysa (HP): Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland Cabdikariim Aadan Cadde, ayaa maanta magaaladda Hargaysa ka furay shir ku saabsan Dib u habaynta Shuruucda Deegaanka.
Kulankani ayaa qayb ka ahaa kulamo hore oo laga wadahadlayay sidii looga hor tegi lahaa dhibaatooyinka loo gaysto Deegaanka, iyo saamaynta xun ee ay arrintaasi ku keentay.

Cabdikariim Aadan Cadde, agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland ayaa ka warbixiyay u jeedadda iyo qodobadda lagu falan-qayn doono shirkaasi.
Waxaanu sheegay in shirkaasi lagu falan-qayn doono saddex qodob oo muhiim u ah heshiisyadda caalamiga ah ee Deegaanka. Kuwaasoo kala ah ka hor tagga iyo la dagaalanka xaalufka, isbedelka cimiladda iyo dhibaatadiisa iyo falan-qaynteedda.

DAAWO: Furitaanka Shirkaasi:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office

LEAVE A REPLY