Agaasimaha Ururka SOLJA Oo Tunisia Kaga Qayb Gelaya Shir Caalamiya + SAWIRRO

0
1431

TUNIS,(HargeisaPress) —Agaasimaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Yaxye Maxamed Cabdi,  ayaa dalka Tunisia kaga qayb gelaya shir caalamiya oo ku saabsan xuquuqda aadanaha, kaasoo ay ka soo qayb gelayaan wufuud wadamo badan oo caalamka ah ka kala socda.

Shirkaasi oo maanta ka furmay caasimadda dalka Tunisia ee Tunis,  ayaa agaasimaha ururka SOLJA waxa uu ku meteli doona bahda saxaafadda Somaliland. Waxaanu noqonayaa shirkii 8aad ee falanqaynta arrimaha xuquuqda aadanaha iyo horumarinta technologyada.

 

Shirkaasi oo socon doona muddo shan maalmood ah ayaa mudadda uu socdo lagaga hadli doono arrimo la xidhiidha ilaalinta xuquuqda dadka isticmaala baraha bulshadda ee Internet-ka.  Iyadoo lagaga doodi  doona ilaa 400 oo mawduuc oo ay ka qayb qaadan doonaan  2500 oo khabiir oo ka kala yimid aduunka dacaladiisa.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay hay’adda caalamiga ah ee Access Now, ayaa ah midka  ugu weyn ee lagaga hadlo xuquuqda dadka isticmaala baraha bulshadda ee Internet-ka iyo sidii xal loogu heli lahaa adeegsiga Internt-ka iyo in aan lagu xad-gudbin bulshadda isticmaasha.

Waxaana shirkaasi lagu faaqidi  doonaa arrimaha xuquuqal iinsaanka aduunka iyo sidii adeegsiga Internet-ka oo isticmaalkiisu aduunka ku soo badanayo ay wadamadda caalamka iyo cida ay khusayso ee ka shaqaysaa uga tashan lahaayeen sidii loo maarayn lahaa ama xal loogu heli lahaa.

Sidoo kale-na loo ilaalin lahaa, loona dhawri lahaa  xuquuqda dadka isticmaala baraha Internet-ka, isla markaana  warbaahinta digital-ka ah kor loogu qaadi lahaa.

Geesta kale shirkan maanta ka furmay caasimadda dalka Tunisia ayaa noqonaya kii 8aad. Iyadoo  sanadkii 2018-kii lagu qabtay dalka  Canada, halka sanaddo hore-na lagu qabtay dalka  Maraykanka.

Dhinaca kale waa markii u horaysay oo ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA cid metelaysaa ay ka qayb gasho.

Iyadoo loo arko  ka qayb galka SOLJA ee shirkan 8aad  mid guul u ah ururka iyo bahda saxaafadda Somaliland, isla markaana u fududayn doona in ay xidhiidho iyo aragti wadaag la yeelato hay’adda iyo ururro caalamiya.

 

HargeisaPress.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY