Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Oo Caawimo Gaadhsiiyay Cusbitaalka TB-da Laascaanood

0
900

Laascaanood (HP): Agaasimaha madaxtooyadda Somaliland Maxamed Cali Bille, ayaa maanta agab kala kuwan ku caawiyay qaybta TB-da ee cusbitaalka guud ee magaaladda Laascaanood iyo dugsiga ABYAN ee Laascaanood.

Agaasimaha madaxtooyadda ayaa Laascaanood u tegay ka qayb galka furitaankii carwadda bandhiga buugaagta oo Salaasadii todobaadkan laga furay magaaladda Laascaanood.

Waxaanu agaasimuhu qaybta TB-da ee cusbitaalka Laascaanood ku wareejiyay Busteyaasha dhaxanta, halka dugsiga ABYAN uu ku caawiyay buugaag.

Agaasimaha madaxwtooyadda Somaliland Maxamed Cali Bille, waxaa wareejinta agabkaasi iyo kormeerkaba ku wehelinayay badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, iyo Prof. Maxamed Xaaji Ingiriis.

Qoraal kooban oo uu bartiisa Facebook soo dhigay badhasaabka Sool, ayuu kaga hadlay caawimooyinkaasi uu agaasimaha madaxtooyadu ku wareejiyay cusbitaalka TB-da iyo dugsiga ABYAN.

“Waxaanu booqanay cusbitaalka magaaladda Laascaanood iyo dugsiga hoose dhexe ee Abyan. Agaasimaha guud ee madaxtooyada jamhuuriyada Somaliland mudane Maxamed Cali Bille, oo u yimid ka qayb galka LIBF ayaa deeq agab Busteyaal ah ku wareejiyay Waadhka TB-da cusbitaalka Laascaanood.

Sidoo kale agaasimaha madaxtooyadda Somaliland waxa uu dugsiga hoose dhexe ee Abyan school-na  ku wareejiyay buugaag”ayuu badhasaabku ku yidhi qoraalkiisa.

Geesta kale badhasaabka Sool ayaa uga mahad celiyay agaasimaha madaxtooyadda Somaliland caawimadda uu ku wareejiyay dugsiga Abyan iyo cusbitaalka TB-da.

Waxaanu qoraalkiisa ku yidhi, “Waan uga mahad celinayaa agaasimaha madaxtooyadda, caawimadaasi.

Waxaana agaasimaha madaxtooyadda ku weheliyey booqashadani aqoon yahanka weyn ee Soomaaliyeed Prof. Maxamed Xaaji Ingiriis”.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY