Agaasimaha Maamulka Wasaaradda Warfaafinta Waa Shakhsi Ku Sifoobay Hawlkar iyo Maamul Wanaag

0
1251

Hargeysa – Waxaa Maalmihii u Danbeeyay Si aad ah loo hadalhayey been abuur iyo borobogaando laga Faafiyay Agaasimaha Maamulka Lacagta ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Xasan Xaaji Maxamuud (Xasan-yare), oo xaqiiqdii ah Shakhsi hawlkar iyo Daacadnimo mudo dheer ugu Soo shaqeeyay Wasaaradda Warfaafinta iyadoo Lawada ogyahey, in Xasan iska joojiyey geesna iska leexiyay Koox Caan ka ah Wasaaradda Warfaafinta oo mudo dheer kusoo shaqeynayay Kooxaysi iyo Nin Jeclaysi, Mushkilad ku ah Guud ahaanba Shaqada Wasaaradda Warfaafinta  islamarkaana, dib udhac Weyn ku Keenay in Wasaaraddu horumar ka gaadho Shaqada ay Qaranka u hayso ee Wacyigalinta iyo Warfaafinta Qaran ahaan loo baahan yahey.

Arinta ugu Weyn ee ay Daba Socoto Fadeexada lagula kacey Agaasimaha Maamulka Lacagta Wasaaradda Warfaafinta Xasan-yare ayaa qeyb ka ah hagardaamooyinka ay Kooxdaa Isku Xulafeystey Wasaaradu iyagoo damacsanaa in ay helaan Mid iyaga daacad u ah oo ay ku badelaan Xasan inkastoo, Mudada Xukuumadan banaanka laga dhigey intoodii badneyd Shaqada Wasaaradda haddana Waxa ay u arkaan in Xasan Kaw ka yahey indhihii Qabtey Waana Sababtaa tan ay Hantidhawrka ugu soo adeegsadaan inkastoo aan habayaraatee, Wax muuqda lagi haynin Xaqna loogu Lahayn Xasan in loo Qabsado dhaqdhaqaaqa kharashaadka Wasaaradda.

Mudada uu Shaqeynayay Xasan Xaaji Maxamuud Agaasimaha Maamulka Iyo Lacagta Wsaaradda Warfaafintu Waxa uu tixgalin iyo Xusida Shaqo Wanaagiisa kala Kulmey oo Sheegay Inta ugu badan ee Wasiiraddii Soo marey Wasaaradda Warfaafinta oo uu Kamid ahaa qora Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale(Boobe), oo aad u Neceb Musuqmaasuqa iyo hantida lanlunsado Waxaynu Wada ognahey in uu Boobe Xasan Daraadii uga tagey Xilka isagoo ku Difaacaya Shaqo Wanaagisa.

LA SOCO QAYBTA DANBE…

MM HURE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here