Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Lagu Wareejiyay Dhir

0
595

Hargeysa (HargeisaPrees):  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa dhir kala wareegay urur ka mida kuwa haweenka ee dalka ka jira.

Gudoomiyha ururka hooyo kaalay ila lugee Xamda Xuseen Cabdilaahi ayaa sheegtay in dhirtan ay ku wareejiyeen agaasimaha wasaaradda warfaafinta Somaliland ay yihiin boqol geed, kuwaas oo ay iska kashadeen ururkaas iyo wasaaradda degaanka Somaliland, iyadoo u jeedana tahay in laga shaqeeyo sidii loo tarmin lahaa dhirta, kuwaas oo qayb ka qaadan kara bilicda hay’addaha kala duwan ee dawlada.

Ugu dambayn agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa si dhirtaa si sarmi ah ula wareegay, waxaanuu u mahadceliyay masuuliyiinta ururka deeqdaas dhirta ah ku wareejiyay.

Maxamed Yuusuf Ismaaciil agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland waxa uu sheegay in dhitaas lagu beeri doono wasaaradaas, iyadoo ay socoto qorshe dib loogu habaynaayo bilicda iyo nadaafadda xarunta wasaaradda warfaafinta Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here