Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo Addis Ababa Kulan Kula Yeeshay Maareeyaha Wakaaladda Warbaahinta Itoobiya

0
691

Addis Ababa (HP): Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta Somaliland Mukhtaar Maxamed Cali, oo ay wehelinayeen ku-xigeenka safiirka Somaliland u fadhiya magaaladda Addis Ababa iyo agaasimaha waaxda Qorshaynta wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa maanta kulan la yeeshay Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Warbaahinta Itoobiya (Ethiopian Broadcasting Corporation).

Kulankaas oo ahaa mid farsamo waxa lagaga wada hadlay sidii loo fullin lahaa heshiiskii is-afgarad ee ay labada dal wadagaadheen bishii September 2019.


Nuxurka heshiiska oo ku saabsana sidii la iskaga kaashan lahaa xidhiidhka warbaahineed ee labada dal, kor-u-qaadida aqoonta iyo xirfadda wariyayaasha ka hawlgala haya’adaha wax-soo-saarka warbaahineed ee Dawladda, is-dhaafsiga wararka iyo barnaamijyadda iyo yagleelidda xidhiidh dhaqan oo labada dad iyo dal ay wada yeeshaan.


Geesta kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Md. Mukhtaar Maxamed Cali iyo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Md. Cabdiqaadir Dayib Askar ayaa safar shaqo ku jooga magaaladda Addis Ababa. Masuuliyiintu waxa ay kulan maanta la yeesheen.


Ken Claerbout, madaxa Baahinta iyo Farsamadda ee Wakaaladda Maraykanka u qaabilsan Warbaahinta Caalamiga ah.


Kulankaasi waxa lagaga wada-hadlay sidii Dawladda Maraykanku gacan taageero uga gaysan lahayd kobcinta farsamadda iyo aqoonta lagu maamulo Warbaahinta Dawladda Somaliland.

 

Hargeisa Press Desk/Addis Ababa Office.

LEAVE A REPLY