Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta oo furay Shirka soo Bandhigidda Qorshe-Sanadeedka Wasaaradda Qorshaynta ee 2025.

0
178

Hargeysa (HargeisaPress)โ€“ Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland Maxamed Siciid, ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka soo bandhigidda Qorshaha Sannadeedka 2025 ee wasaaradda.

Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen Agaasimayaasha waaxyaha wasaaradda, madax qaybeedyo, la taliyaal iyo khubaro qorshayneed, ayaa lagu dejinayey qorshaha cusub ee sanadka 2025.

Ugu horeyn Agaasimaha Guud ayaa furay shirka waxaana uu xusay muhiimada ay leedahay in qorshaha wasaaradda uu noqdo mid waxtar leh oo horseedi kara horumar waara, isaga oo ku dhiirrigeliyey ka qaybgalayaasha in ay si firfircoon uga doodaan qorshaha cusub.

Intii uu kulanku socday Waxa dood iyo falanqayn laga galay qorshayaasha waaxyaha kala duwan, si loo xaqiijiyo in mudnaantooda iyo yoolalka horumarineed ee sanadka 2025 ay la jaanqaadi karaan baahiyaha iyo himilooyinka qaranka. Ka qaybgalayaasha ayaa si firfircoon uga dooday sidii qorshayaashaasi loo xoojin lahaa si ay u noqdaan kuwo waxtar leh.

Ugu dambeyntii, shirka waxaa soo xidhay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, isaga oo soo koobay qodobadii muhiimka ahaa ee laga hadlay, isla markaana muujiyey in qorshaha cusub ee sanadka 2025 uu yahay mid muhiim u ah horumarinta dalka. Waxa uu ka mahadceliyey ka qaybgalayaasha doodda iyo falanqaynta wax ku oolka ah ee la sameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here