Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyadda oo Iftiimiyey Mashaariic Xukuumadu ka wado Gobolka Sanaag

0
557

Ceerigaabo,(HargeisaPress)– Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyadda Maxamed Cali Bille oo hawlo shaqo ku jooga Gobolka Sanaag ayaa maanta booqday Garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Ceerigaabo oo xukuumadda Somaliland ay ka wado dayactir iyo dib u habayn.

Sida uu ku soo waramayo Weriyahayaga Gobolka Sanaag Maxamed Maxamud Xasan Saraaf waxaa kale oo agaasimaha guud uu booqday Jaamacadda Sanaag University oo Madaxweynaha JSL uu dhawaan ugu deeqay dhismayaal cusub oo jaamacadaasi lagu kordhiyo,kuwaas oo ay ka mid yihiin Gidaar 400 oo Mitir ah oo lagu wareejinayo Jaamacadaasi iyo Fasalo cusub oo lagu soo kordhiyey.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyadda Maxamed Cali Bille ayaa Warbaahinta uga waramay Mashaariicda wax ku oolka ah ee xukuumadda Somaliland ay ka wado gobolka sanaag, Agaasimaha Guud ayaa bulsho weynta gobolka sanaag u soo jeediyey inay is barbartaagaan wax qabadka ay dawladu ka fulinayso gobolkaas si ay shacabka gobolka sanaag ula tartamaan goboladda kale ee dalka.

Waxa uu Agaasimaha Guud Tilmaamay in Shaqo wanaagsani ay ka socoto Waddada Tagta Deegaanka Tabca, Waxaa kale oo uu xusay in la bilaabayo Dhismaha dekedda Maydh isla markaana Mashruuciisa la sii daayay.

Maxamed Cali Bille Waxa kale oo uu sheegay in dayactir lagu sameeyay Maxkamadaha Magaaladda Ceerigaabo isagoo intaas ku daray in Mashaariicdani ay yihiin kuwo xukuumadda dhexe fulinayso iyo qaar kale oo ay hirgalinayso dawladda hoose ee Magaaladda Ceerigaabo, Waxaanu Agaasimaha Guud ku amaanay Maayarka Magaaladda Ceerigaabo iyo golihiisa deegaanka ee uu hogaamiyaa inay soo iibsadeen qalab wax weyn ka taraya kor u qaadista bilicda magaaladaasi.

HargeisaPress News Desk— Hargeysa 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here