Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Beeraha Oo Kuur Gal Ku Sameeyey Nidaam Casri Ah Oo Ay Deegaanka Ilkaweyne Dalagyo Ula Soo Baxeen

0
958

BEERAHA AGAHargeisa, (HargeisaPress) — Agaasimaha Guud ee wasaaradda Beeraha Somaliland C/laahi Ismaaciil Faarax iyo wefti uu hogaaminayo ayaa u kuur gal ku sameeyey dalagyo ay beeralayda deegaanka Ilkaweyne oo ka tirsan Gobolka Gabiley ku beereen iskaashi.

Agaasimaha Guud iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa intii ay socdaalka ugu kuur galayeen beer falashada beeralayda deegaanka Ilkaweyne ee gobolka Gabiley waxa ay soo mareen beero laga beeray dalagyo kala duwan oo loo beeray nidaam casri ah, taasi oo ay dalagyada dadka deegaanku beerteen ka mid ahayeen Lawska, Basasha, Sinsinta, Saliida Gabal Dayaha iyo Hadhuudhka.

Weftiga uu  hogaaminayey agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha C/laahi Ismaaciil Faarax ayaa waxa  ka mid ahaa masuuliyiin ka socda Wasaaradda Beeraha kuwaasi oo kala ah Af-hayeenka Wasaaradda Beeraha Sacad Muuse Cabdi iyo Isuduwaha Gobolka Gabiley ee wasaaradda C/risaaq Sh. Maxamuud Mooge iyo masuuliyiin ka socda hay’adda Concern World Wide.

Nidaamkan casriga ah ee dadka deegaanku ku beeranayaan dalagyadooda ayaa waxa ka mid ah in iskaashi wax lagu wada beerto, iyada oo laga faa’iidaysanayo Iskaashatooyinka ay samaysay wasaaradda beeruhu iyo tababaro casri ah oo ay haya’dda Concern World Wide siisay dadweynaha deegaanka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha C/laahi Ismaaciil Faarax oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu beeralayda deegaanka ku hambalyeeyey  dalagyada ay la soo baxeen, isaga oo ugu baaqay inay halkaa ka sii wadaan beer falashada, isla markaana dalagyada dalka looga baahan yahay beeraan.

Agaasimaha oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Maanta farxad ayey ii tahay inaan goob joog ka ahaado beeralayda Gobolada Gabiley iyo Awdal oo Kiiloomitiro aad u badan beeray, waana tusaale fiican, waxaanan cadaynayaa inay goboladani ka soo baxeen xilki ay xukuumaddu u saartay Wasaaradda Beeraha in dalka wax laga beerto, waxaanan rajaynayaa inay gobolada kale ee dalku ku daydaan”.

Agaasimaha guud ayaa waxa uu beeralayda u sheegay balan qaad ay xukuumaddiisu u balan qaadayso beeralayda, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Xukuumaddu waxa ay idiin balan qaadaysaa in dalaga aad soo beertaan haddii uu dalka ku filnaado aan dalka dibadiisa dalag la mid ah laga soo saari doonin, haddii dalaga aad soo saartaan ku la mid ah la keenana cashuurta lagu kordhin doono”.

Isuduwaha Gobolka Gabiley ee wasaaradda Beeraha oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu beeralayda ugu baaqay inay soo celiyaan Guuskii iyo iskaashigii, isaga oo beerlayda kula taliyey inaanay is curyaamin ee ay is taageeraan.

Axmed Yuusuf Idiris oo ka socday hay’adda Concern World Wide oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay tababaro ay hay’adooda u fidisay beeralayda iyo sida ay ugu dedaalayaan inay nidaamyo casri ah u keenaan beeralayda, isaga oo sheegay in dalagyo ay tijaabiyeene ay ku guulaysteen sida Lawska oo kale.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here