Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Waxbarashadda Oo Musuqay $200,000 Oo Ka Mida Miisaaniyadii Imtixaanaadka Ee Sanadkan

2
3278

HARGEISA— Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Waxbarashadda Somaliland Axmed Abokor Ayaa Leexsaday Lacag Dhan $200,000 Oo U Dhiganta %48 Ka Mida Miisaaniyadii Imtixaanaadka Ee Sannad-Dugsiyeedkan 2019/2020.

Miisaaniyada Imtixaanka Oo Ku Dhowaan Jirtay Hal Milyan Oo Doollar Ayaa Sanadkan 2020 Dhamayd $420,000 Maadaama Covid19 Awgii Uu Doorkan Imtixaanku Ku Koobnaa Fasalka Afraad (Form 4) Ee Dugsiga Sare, Uuna Ahaa Hal Maalin Oo Qudha.

Wasiirka Wasarada Waxbarashada Axmed Diiriye Toorno Ayaa La Sheegay Inuu Maamulka Imtixaanaadka Sanadkan U Xil Saaray Agaasimaha Guud, Mar Hadii Uu Isagu Wasaarada Ku Cusub Yahay.

Haseyeeshee, Agaasimaha Guud Ayaa Isagoo Adeegsanaya Agaasimaha Maamulka, Awoodii Maareynta Kharashka Imtixaanka Ka Maroorsaday Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka, Waxaanu Mudadii U Dhexaysay 27 Juun Ilaa 1dii Julaay Kula Baxay Lacag Dhan $200,000.

in Badan Oo Ka Mid Ah Gaadiidkii Imtixaanaadka Qaaday Ayaan Ilaa Hada Wax Lacag Ah La Siinin, Waxaanay Cabasho La Hor Tuban Yihin Xafiisyada Wasaarada Iyo Imtixaanaadka.

Xukuumada Ayaa Sanad Kasta Miisaaniyada Imtixaanaadka Si Duuduub Ah Ugu Soo Deysa Wasaarada Waxbarashadda, Iyadoo Xafiiska Xisaabayaha Guud Ee Qaranku Aanu Ilaa Hada Wasaarada Waxbarashadda Ka Haynin Xisaab Celintii Kharashka Imtixaanka Sanadkan.

Agaasimaha Guud Ee Waxbarashadda iyo Agaasimaha Maamulka Iyo Lacagta Oo Xilka Haysay Mudo 2 Bilood Ah Ayaa La Sheegay Inay Durba Xaafadaha Axmed-Gurey Iyo 150ka Ka Bilawdeen Dhismaha Guryo Cusub.

Musuqa Agaasime Axmed Abokor Ayaa Ah Mid Xadhkaha Goostay, Isagoo 5 Bilood Kahorna Leexsaday 400,000$ Oo Uu Kula Baxay Magaca Ururkiisa SOYCA, Waxaanay Bulshadu Is Weydiinaysaa Sababta Boobka Agaasimaha Ee Sadex Sano Jirsaday Uu Ilaa Hada Madaxweynuhu U Daawanayo.

Jamac Abdi Hargeysa, Somaliland 

LEAVE A REPLY