Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland oo Tabobar U Soo Xidhay Qaar Ka Mid Ah Saxafiyiinta Ka Howlgala Warbaahinta Dalka

0
1222

Hargeisa (Hargeisa Press)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Md. Mukhtaar Maxamed, ayaa maanta u soo xidhay kulan aqoon-korodhsi ah qaar kamid ah Suxufiyiinta Somaliland ee ka hawlgala Warbaahinta Dowladda iyo kuwa madaxa-bannaan.

Saxafiyiintan ayaa waxaa ay ka kala socdeen Ururka Saxafiyiinta Somaliland (SOLJA), Ururka Telefishanadda Somaliland( SIBA) iyo Ururka Haweenka Warbaahinta (WIJA).

Kulankan oo laba maalmood ahaa ayaa ku saabsanaa kobcinta iyo dhisidda xirfadaha iyo aqoonta suxufiyiinta ee la xidhiidha diyaarinta Warbixinaha Tahriibka, waxana iska kaashayaday Wasaaradda warfaafinta Somaliland iyo Haya’ada Socdaalka aduunka ee Qaramada Midoobay ee IOM.

Hoos ka daawo muuqaalka warka

LEAVE A REPLY