Agaasimaha Guud Ee Warfaafinta Somaliland oo Qaabilay Masuuliyiin Ka Socday Jaamacadda Cardiff

0
950

Hargeysa (HargeisaPress)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Mukhtaar Maxamed Cali ayaa qaabilay wefti ka socday Jaamacadda Cardiff ee dalka UK. Kuwaasi oo maalmihii u dambeeyey booqasho ku joogay caasimadda Hargeysa.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mukhtaar Maxamed Cali ayaa wefdigaasi uga waramay hawlaha ay qaranka u qabato wasaaraddu iyadoo la geeyay waaxyaha ay ka kooban tahay wasaaraddu.

Agaasimaha guud ee Warfaafintu wuxuu sheegay inay Weftigaasi oo isugu jiray Bareyaal sare ay wada shaqeyn iyo xidhiidh yeelan doonaan Jaamacadda Hargeysa, gaar ahaan  Kuliyadda Saxaafadda.

Agaasimuhu wuxuu uga mahad celiyey Jaaliyadda reer Somaliland ee magaalada Cardiff, oo uu xusay inay jaaliyaddu ka shaqeysay sidii ay xidhiidh iskaashi u yeelan lahaayeen jaamacadda Cardiff iyo ta Hargeysa.

HargeisaPress.com

LEAVE A REPLY