Agaasimaha Guud ee Warfaafinta oo ka Qaybgalay Shir Lagu Soo Dhaweynayey Agaasin Wasaaradda Lagu soo Kordhiyey

0
1015
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Mukhtaar Maxamed Cali PHOTO FILE

Hargeisa (HargeisaPress)—Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSl Md. Mukhtaar Maxamed Cali ayaa ka qaybgalay Shir lagu soo dhaweynayey agaasinka cusub ee Waaxda shaqaalaha.

Kulankan oo ahaa mid is barasho waxa ugu horaynba halkaasi ka hadlay  Agaasimaha Telefishanka Qaranka Maxamed Xasan Cali (Weji) waxaanu sheegay in Waaxda shaqaaluhu ay tahay meelaha ugu muhiimsan ee laf dhabarta u ah shaqada iyo Shaqaalaha.

Kulankan intii uu socday waxa ka hadlay agaasime waaxeedyada kala duwan ee Wasaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta JSl kuwaas oo ku dheeraaday muhiimada ay wasaaradda u leedahay tayeynta waaxda Shaqaalaha ee wasaaradda.

Agaasimaha Cusub ee Waaxda Shaqalaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Jaamac Cawil Nuux, ayaa sheegay in uu dardar gelin doono Shaqaalaha iyo Shaqada isla markaana uu ku dedaali doono   sidii shaqaalaha loogu abaalmarin lahaa waxa ay u qabtaan Qarankooda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfafinta Dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland Mukhtaar Maxamed Cali, oo gebogebadii halkaasi ka hadlay ayaa  tilmaamay muhiimada Shaqaalaha Wasaaradda ay u leedahay Waaxdan Cusub ee Shaqaalaha, waxaanu shaqaalaha Wasaaradda ku tilmaamay kuwo hawl kar ah oo shaqo adag u haya Qarankooda maadaama ay wasaaraddu shaqayso wakhti aad u badan.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here