Agaasimaha Guud Ee Warfaafinta JSl oo Qalab ku wareejiyay Waaxda Dhaqanka.+ SAWIRRO

0
871

Hargeysa,(HargeisaPress)—Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Mukhtaar Maxamed Cali ayaa waaxda dhaqanka ee wasaaradda warfaafinta ku wareejiyey qalab.

Ugu horaynba waxa halkaas ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Mukhtaar Maxamed Cali, oo sheegay in qalabkaas ay baahi weyn u qabtay waaxda dhaqanka ee wasaaradda, isla markaana ay qayb laxaad leh ka qaadan doonto kor u qaadida barnaamijyada wacyigelinta ah.

Wuxuuna amaan u soo jeediyey wasiirka wasaaradda warafaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo uu tilmaamay inuu dalabka qalabkaa xilweyn iska saaray sidii uu u soo gaadhi lahaa waaxdaasi, wuxuuna masuuliyiinta waaxda dhaqanka kula dardaarmay inay bulshada u soo bandhigaan barnaamijyaddii kala duwaan ee ay  bulshada ku wacyigelinayeen haday noqoto Riwaayado iyo Heesaba.

Sidoo kale, waxa halkaas ka hadlay agaasimaha waaxda dhaqanka Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Yare) iyo ku xigeenkiisa Maxamed Maxamuud Cige (Busi) oo xusay inay baahi weyn u qabeen qalabkaas wax weyna uu ka tari doono wax soo saarkooda, iyagoo sharaxay waxyaabaha uu ka kooban yahay iyo hawlaha lagu qaban doono, waxayna u mahad celiyeen Masuuliyiinta sare ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta oo ay ugu horeeyaan wasiirka, wasiir ku xigeenka iyo agaasimaha guud oo ay sheegeen inay dedaal galiyey sidii qalabkaas loogu keeni lahaa waaxda dhaqanka ee wasaaradda.

Waxa kale, oo iyana munaasibadaas ka hadlay agaasimaha waaxda farsamada ee wasaaradda warfaafinta Ayaan Cabdirisaaq iyo agaasime ku xieenka Idaacada Radio Hargeysa Maxamed Siciid Muxumed, oo ku bogaadiyey Masuuliyiinta wasaaradda warfaafintu qalabkan ay ku wareejiyeen waaxda dhaqanka ee wasaaradda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here