Agaasimaha Guud Ee W. Deegaanka Somaliland Oo Kormeeray Xarunta Xanaanaynta Harimacadka

0
329

Hargaysa (HP): Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka Somaliland Cabdikariin Aadan Siciid, ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta lagu xanaaneeyo Duur joogta gaar ahaan Harmicadka oo ku taalla magaaladda Hargaysa.
Xaruntani oo ku taala xaafada Masalaha ee Koonfurta Hargaysa waxaa ku jira Harimacadyo badan oo hore loogu soo qabtay dad ka ganacsanayay, halkaasoo imika lagu xanaaneeyo xayawaankaasi.


Waxaana xaruntaasi si wada jira gacanta ugu haya wasaaradda deegaanka Somaliland iyo haayada sanduuqa bad-baadninta Harimacadka ee magaceedda loo soo gaabiyo CCF.
Taasoo wasaaradda deegaanka Somaliland si weyn ugala shaqaysa la dagaalanka ka ganacsiga sharci daradda ah ee duur joogta gaar ahaana Harimacadka, oo la rumaysan yahay inuu dunidda ka sii dabar-go’ayo.
Kormeerka uu agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka Somaliland Cabdikariin Aadan Siciid, maanta ku tegay xarunta lagu xanaaneeyo Harimacadka waxaa ku wehelinayay xubno ka socday haayadda CCF, agaasimaha waaxda duur joogta ee wasaaradda deegaanka Somaliland.
Agaasimaha guud ayaa markii uu gaadhay xaruntaasi waxa uu soo kormeeray qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay xaruntan xanaanaynta Harimcadka.


Sida meelaha cunta lagu siiyo Harimacadyadda, qaybta Farmasiga iyo xarunta daawaynta iyo weliba qaybaha lagu diyaariyo Hilibka la siiyo Harimcadka xaruntaasi ku jira.
Sidoo kale agaasimuhu waxa uu la kulmay shaqaalaha iyo weliba dhakhaatiirta ka hawl galla xarunta xanaanaynta Harimacadka ee xaafadda Masalaha ee magaaladda Hargaysa.
Waxaanay shaqaalaha xaruntaasi agaasimaha guud iyo masuuliyiinta la socday uga warbixiyeen hanaanka ay xaruntu u shaqayso, iyo sidoo kale sida ay uga shaqeeyaan xanaanaynta iyo daryeelka Harimacadyadda.

Geesta kale xuska maalinta Harimacadka adduunka oo sanad kastaba wadamo badan oo dunidda ah laga xuso afarta bisha December, ayaa la qorsheeyay in magaaladda Hargaysa lagu qaban doono munaasibad balaadhan oo lagu xusi doonaa maalinta Harimcadka adduunka.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY