Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Deegaanka oo Qaabilay Ku-xigeenka Hay’adda GIZ

0
512

Hargeysa (Hargeisa Press)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland Maxamed Cabdilaahi Ducaale, ayaa maanta qaabilay masuuliyiin ka socday hay’adda GIZ.

Kulankaasi oo ka qabsoomay xafiiska Agaasimaha guud oo uu ku qaabilay ku-xigeenka haayada GIZ Mr. Martin, iyo xubno kale oo ka tirsan hay’adaasi.

Iyadoona ay Agaasimaha guud kulankaasi ku wehelinayeen qaar ka mida agaasime waaxeedyadda wasaaradda deegaanka Somaliland, iyo masuuliyiin kale oo isla wasaaradda ka tirsan.

Waxaana kulankaasi laga wada hadley xoojinta Wada shaqeynta labada dhinac, ee wasaaradda Deegaanka Somaliland, iyo hay’adda GIZ.

Sida arrimaha la xidhiidha Isbedelka cimilada, Maaraynta Masiibooyinka dabiiciga ah iyo kor u qaadida awooda Adkaysiga bulshada ee cimilada isbadelaysa.

Hay’adda GIZ, ayaa ka mid ah haayadaha caalamiga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland Maxamed Cabdilaahi Ducaale, ayaa madaxda hay’adda GIZ uga mahad celiyay wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa, ee iskaashiga arrimaha wax ka qabashada isbedelka cimiladda.

Sidoo kale, Maxamed Cabdilaahi Ducaale, ayaa ku-xigeenka madaxa GIZ uga warbixiyay barnaamijyadda ay wasaaradda fulisay ee wax ka qabashadda dhibaatooyinka ka dhashay isbedelka cimiladda, iyo dedaaladda ay ugu jiraan sidii bulshada Somaliland loogu wacyigelin lahaa arrimaha isbedelka cimiladda iyo saamaynta ka dhalatay.

Geesta kale, ku-xigeenka madaxa hay’adda GIZ Mr. Martin, iyo xubnaha la socday, ayaa Agaasimaha uga mahad celiyay sida diiran ee uu u qaabilay, iyo sidoo kale wada shaqaynta ka dhaxaysa.

Kulanka, ayaa ku soo dhamaaday is af-garad wanaagsan, iyada oo lagu balamay in wada shaqeynta labadda dhinaca la sii xoojiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here