Agaasimaha Guud Ee BBC Oo Xilka Iska Casilaya

0
535

London (HP): Madaxii guud ee BBC-da Tony Hall, ayaa ku dhawaaqay inuu xilka iska casilayo kaddib muddo 7 sanno uu madax ka ahaa BBC-da.

Tony Hall, wuxuu sheegay in go’aanka uu kaga tegay BBC uu ahaa mid adag.

Warqad uu shaqaalaha u diray ayuu ku sheegay inuu rumaysan yahay in BBC-da ay haatan meel sare joogto marka loo bar-bardhigo xilligii uu ku soo biirayay.

Mr. Tony Hall, ayaa xilkan loo magacaabay sannadkii 2012-kii kaddib markii uu xilka iska casilay George Entwistle, oo ahaa madaxii guud ee hore ee BBC-da.

Hargeisa Press.com

Xigasho: BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here