Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Shaqo Qaran Oo Soo Xidhay Nidaamka Casriga Ah Ee (Biometric) Diiwaan Gelinta Dufcada Labaad Ee Shaqo Qaran 2020

0
1118

Hargeysa,(HargeisaPress) –Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Shaqo Qaran Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka) ayaa maanta soo xidhay Nidaamka Diiwaan gelinta Casriga ah ee (Biometric) oo lagu  diiwaan gelinayey Dufcada labaad ee Shaqo Qaran, Barnaamijkan oo muddo ku dhaw laba Todobaad ka socday Xarunta Carbiska Shaqo Qaran ee Dararaweyne, waxaana iska kaashaday Barnaamijkaasi Xafiiska Shaqo Qaran, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo shirkada SAHAL TECH.

Gebo gebadii Maxamed Xuseen Cismaan  Agaasimaha guud ee Shaqo Qaran oo kalkaasi ka hadlay ayaa yihdi “Farxad weyn bay noo tahay inaan maanta soo gunaanadno ama soo geba-gebayno  Nidaamkii  Diiwaan gelinta casriga ah (Biometric ) ee ay iska kaashadeen  Xafiiska diiwaan gelinta madaniga ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Shirkada madaxa banana ee Sahal Tech iyo Xafiiska Shaqo Qaran, hawshaas oo soo socotay muddo Todobaad ah oo lagu xaqiijinaayey  nidaamka dhalinyaradii aanu kusoo xaraynay  Xarunta Dararaweyne”.

Mu’adinka ayaa sheegay in Barnaamijkani yahay mid caddaalad ah “Sideedaba Barnaamijka Shaqo qaran wuxuu ku dhisan yahay inuu sugo Caddaalada iyo sinaanta muwaadiniinta, taas baana keliftay oo ujeedadayadu ahayd inaanu hubino in dadka magacyadaa sitaa ee kusoo xarooday halkan inay yihiin kuwii dhabta ah ee biixinayey shuruudihii looga baahna”.

Dhanka kale Waxa uu sheegay Agaasimaha guud inay hawsha diiwaan gelinta dhawaan ka bilaabi doonaan Xarumaha Gobolada ee ay ku sugan yihiin Habalaha kusoo baxay Imtixaankii Shaqo Qaran “Hablaha jooga Gobolada ee Barnaamijka Shaqo Qaran Imtixaanka kusoo baxay iyagana dariiqaa dariiq la midaa la marin doonaa, waxaa la hubin doonaa qofkastaaba inuu shuruudaha buuxinayo ama aqoontiisa Jaamacadeed ha ahaato ama ha ahaato qofka magacan wataa inuu yahay kii runta ahaa ee magacan lahaa, waa la xaqiijin doonaa waxaana loogu tegi doonaa Xarumaha Gobolada ay joogaan, iyaguna taa haku sii talo galaan qofkii aan ka mid ahayn ama magac kale wataa imikaba yaanu isdaalinin haka sii baxo oo yaanu dhibin hawladeenada”.

Madaxa Isgaadhsiinta ee Shaqo Qaran Saddam Maxamed Axmed oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Sadex todobaad ka hor waxa la soo daabulay dhalinyaradii ku guulaystay imtixaankii Shaqo qaran, kuwaas oo laga soo qaaday xarumaha gobollada dalka oo dhan, Lix boqol konton iyo afar wiil ayaa lagu soo xareeyey kuliyada carbiska ee Dararweyne, markii la hubiyey laba boqol oo dadkaa ka mid ahi waxay noqdeen dad aan xaq u lahayn inay ka mid noqdaan dufcada labaad ee shaqo qaran, waxay ahaayeen dad Imtixaanka loo galay, markii aannu xaqiijinay waxaanu ogaanay in ay shifo aan sharci ahayn halkan ku yimaadeen, waayo may ahayn dadkii Imtixaanaadka galay, waxya ahaayeen kuwo eheladoodii guulaysteen, waxa kale oo ku jiray dadkaasi kuwo aan dhamaysan Jaamacadaha oo hada ku jira, ama dugsiga sare wada, kuwaasina sidaas ayey ku baxeen, laba boqol oo qof walba gaar loo xaqiijiyey ayaa ku fishilmay dadkaa maanaan diiwaangalin ee gaadiid ayaannu saarnay, waana laga amba bixiyey xarunta Dararweyne, waxa sax soo baxay 454 qof, oo wax wlaiba u dhamays tiran yihiin, dhammaan shuruudihii looga baahnaana buuxiyey.”

Yaasiin CIsmaan Diiriye oo ah madax xafiiska Sinjiyada ee Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “  Qof kasta halkan waxaanu marinay wixii uu xaq u lahaa, hawshaasi oo muddo todobaad ah socotayna waxay noogu dhammaatay xalay si wanaagsan, waxana la shaqaynayey subaxii ilaa habeenkii saacado dambe, qof kasta oo halkan laga saaray wuxuu ogyahay in Dukumantiyada laga reebay ay yihiin wax cadaynaya wax aan sharci ahayn.”

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY