Agaasimaha DP World Oo Socdaal Ku Tagay Djibouti Iyo Sucuudiga & Masar Oon Weli Ku Guulaysan Dedaalo Ay Wadaan

0
937

Hargeysa , (HargeisaPress) — Madaxa shirkadda DP world ee dalka Imaaraadka Carabta Axmed Bin Suleyman ayaa horaantii bishan wuxuu socdaal ku yimid dalka Djibouti. Sidaas waxa qoray wargeyska Indian Ocean.

Wargeysku, wuxuu sheegay in madaxa shirkadda DP world uu socdaalkiisu la xidhiidhay kulan uula yeeshay agaasimaha dekedaha Djibouti Mr. Abuubakar Cumar Xadi, waxaanay ka wada hadleen go’aanka ay Djibouti ku laashay heshiiskii DP world ee dekedaha Dooraale. Waxa uu warku sheegay in Imaaraadka Carabtu doonayo inuu gebi ahaanba ka baxo hawlo ganacsi oo kala duwan oo uu ku leeyahay dalka Djibouti, kuwaas oo ay ka mid yihiin Terminaalka saliidda iyo gaasta ee loo yaqaano Horizon Djibouti Terminals iyo hoteelka caanka ah ee Kembeski oo ay DP world dhistay.

Dawladaha Sucuudiga iyo Masar ayuu wargeyskani sheegay inay ku jiraan dedaal ay ku dhexdhexaadinayaan Djibouti iyo Imaaraadka Carabta. Madaxa sirdoonka ee Masaarida Maxamed Rafaat ayaa la sheegay in loo xilsaaray inuu isu soo dhaweeyo Djibouti iyo Imaaraadka Carabta, laakiin waxa aan weli muuqan wax xataa isfaham u eeg oo soo muuqda.

DP world ayaa maxkamad Ingiriiska ku taala u gudbisay dacwad ka dhan ah go’aanka ay Djibouti ku laashay heshiiskii DP world. Shirkadda laga leeyahay dalka Singapore ee Pacific international lines (PIL) ayaa ahayd shirkadii u horaysay ee muujisay inay doonayso inay buuxiso booska DP world ee Djibouti, laakiin PIL ayaa dib u joogsatay markii ay wada hadalo dhex mareen Imaaraadka Carabta.

Shirkado kale oo dhawr ah oo laga leeyahay dalalka Yurub gaar ahaan shirkadda Faransiiska ee Bollore ayaa doonaysa inay buuxiso kaalinta Imaaraadka Carabta ee dekeda Djibouti, laakiin diblomaasiyiinta reer Yurub ayaa aaminsan oo Djibouti u soo jeediyay inay marka hore xaliso oo meel ku tiiriso khilaafka Imaaraadka Carabta oo ah dawlad diblomasiyad ahaan miisaan leh.

Geeska

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here