Afarta Wasiir ee aan dhicin & Talada Madaxweyne Siilaanyo Mayla Aragteen! ? Qalinka Mawliid Aadan Cumar

0
1076

Mowliid-Aadan-CumarTaariikhdu waa isbedelka nolosha noolaha iyo bey’adda Illaahay ku uumay oo si taxane ah loo qoray loona sameeyay magacyo laysla yaqaan oo dhamaan aadamaha dunidan kunool muslin iyo gaalba ay ka siman yihiin isticmaalkeda inkasta oo ay jiraan astaamo iyo tafaasiil ay ku kala qotomaan.

Haddaba, taariikhda oo ah qodobka ku lamaan nolosha aadamaha iyo isbedelada dhacdooyinka dabiiciga ah iyo kuwa sanaaciga ahba ma soo koobi karo balse intaasi xusid inoogu filan. Sidaasi awgeed qormadan halku dhigeedu yahay { AFARTA WASIIR EEN DHICIN IYO TALADA ODAYGA  MAYLA ARAGTAAN!!!}

Waxay si kooban u iftiiminaysaa sooyaalka taariikhda hogaamineed ee Madaxweynayaashii soo maamulay saddex iyo labaatankii sannadood ee ay Somaliland madax-bannaanideeda dib ula soo noqotay, sidoo kale waxay qormadani tibaaxo ka bixinaysaa labada hab maamul ee nidaamkii Axdi-qarameedkii beelaha ku wada dhaqan somaliland, Iyo Nidaamka Asxaabta siyaasadda ee xorta ahi waxay ku kala duwan yihiin iyo in kala duwanaanshahi wax  isbedel ah ku sameeyay bulshada somaliland guud ahaan ama gaar ahaan qaybo ka mid ah bulshada.

Hase-yeeshee, marka aan dib u raacno sooyaalka taariikhda Maamul ee Madaxdii soo hoggaamiyay Somaliland waxaan ku bilaabayaa Madaxweynihii ugu horreeyay ee Somaliland ALLAAH ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), waxa uu ahaa hoggaamiyihii Ururkii SNM ee keenay xorriyada iyo Madax-bannaanida Somaliland sannadkii 1991, waxa uu noqday Madaxweynihii Kowaad ee loo doortay Jamhuuriyadda Somaliland oo dib uga noqotay midnimadii Somaliland iyo Soomaaliya ee 1960-kii, Sidaasi Awgeed Madaxweyne Marxuum Cabdiraxmaan waxa uu ku suntan yahay taariikhda somaliland laba qodob oo taariikhda Somaliland dhismaheeda ah, waana Dib-u-xorayntii dalka hoggaaminteedii iyo Ku dhawaaqistii Madax-bannaanida Somaliland hoggaamiyaheedii kowaad.

Sidaas awgeed ka dib markii Marxuum C/raxmaan-tuur loo caleemo saaray hoggaamiyaha qaranka Somaliland inuu Madaxweyne ka ahaado Laba sannadood wuxuu dhisay gole Xukuumadeed iyo dhamaan hay’adihii dawliga ahaa wuxuuna dhidibada u taagay qaabkii ama hanaankii dawladnimo.

Intaasi kadib hoggaamintii Maamul ee Marxuum Madaxweyne C/raxmaan waxay si xawli ah u dhaqaaqday 1991 May 28 Ilaa March 1992 hadaba qofkasta oo xogogaal u ahaa dhismihii Qarannimo ee wakhtigaas uu Madaxweynaha ahaa Marxuum C/Raxmaan wuxuu ka markhaati furayaa in tobankaa bilood ee u horeeyay ka dib ay ka xoog badatay mucaaridad ay kula kaceen garabkii calan-casta oo aad uga soo horjeeday hoggaaminta Marxuum Madaxweyne C/Raxmaan Mucaaridaddaasina waxay sababtay in Saraakishi calan-castu Beel beel u qaybiyaan ciidamadii SNM ee dawladu qaramaynaysay ciidan qaran oo ka kooban dhamaan beelaha somaliland taasina waxay sababtay inay kala dhaqaaqan Guutooyinkii u horeeyay ee laga dhigaayay ciidamo qaran.

Hadaba qormadan hoggaaminta Madaxweynayaashii u kala danbeeyay Maamulka Somaliland iyo Sooyaalkoodii Maamul waxay inoo qiimayn doontaa Madaxweynayaashaasi habkii Maamul iyo duruufihii la soo darsay nidaamka dawladeed ee ay inagu hoggaaminayeen, sidaas awgeed Madaxweyne Marxuum C/Raxmaan wuxuu la kowsadey duruuftii ugu adkayd ee qaranka Somaliland ka soo gudbo, duruuftaasina waxay ahayd tafaafulka iyo dagaalkaas ay kala hor yimaaden  saraakiishii calan-casta ahaa oo ka faa’iidaystay awood la’aanta nidaamka dawladeed oo taagnaa dhibkii kowaad ee dhismaha qaran madax-banaan, sida xaqiiqadu tahay waxaa lagu tilmaami karaa kooxdaas calan-casta ahayd cadawgii ugu xumaa ee somara somaliland.

Haddaba, qaybta kowaad ee qormadan waxaan ku soo koobayaa intaasi. Hadii Allah Yidhaahna waxaan  Qaybta labaad ku dhamaystiri doona inta ka dhiman taariikhda maamul ee Madaxweyne Marxuum C/raxmaan Axmed Cali iyo sifooyinkiisi dulqaadka iyo geesinimada lahaa Insha Allah.

WABILLAAHI TAWFIIQ

Mowliid Aadan Cumar

Mobile: 4410898

Email: mawliid1991@gmail.com

————————————————————————-

Ujeeddada Qoraalkani kama turjumayso Aragtida HargeisaPress,waxay ka turjumaysa qoraaga Maqaalkan ee magiciisu ku qoran yahay hase-yeeshee,Masuuliyadda HargeisaPress waa in ay gubbiso aragtida macquulka ah ee qoraaga si aynu u dhiirrigelinno doodaha, fikradaha iyo aragtiyaha kala duwan ee ay qaybaha Bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here