Afar Arrimood oo Lagu Xusuusto Dowladdii Kacaankii Siyaad Bare

1
1424

Muqdisho (Hargeisa Press)- Dowladdii kacaanka oo curatay 21-kii October, sannaddii 1969 ayaa ahayd middii ugu wakhtiga dheerayd ee soo marta Soomaaliya.

Afgambiga waxaa sababay dilkii madaxwaynihii Soomaaliya, Cabdi Rsahiid Cali sharma’arke, ee 15-kii bishii October sannaddii 1969 oo lagu dilay magaalada Laascaanood.

Maxamed Siyaad Bare

Markii uu dilkaasi dhacayay waxaa dalka Soomaaaliya Raisal wasaare ka ahaa allaha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Cigaal waxaa xilligii uu dilka dhacayay uu ku sugnaa magaalada New York oo uu uga qayb galayay shirkii Qaramada Midoobay, wuxuuna markii uu dilka maqlay uu si degdeg ah ugu soo laabtay Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal markuu dalka ku soo laabtay wuxuu billaabay sidii loo dooran lahaa madaxwaynihii baddali lahaa Cabdi Rashiid.

Waxaa xilligaasi laga dooday cidda madaxwayna noqonaysa waxaana ugu dambeyntii lagu heshiiyay 20 October in Xaaji Muuse Boqor uu noqdo madaxwaynaha baddalaya allaha u naxriistee Cabdi Rashiid Cali Sharma’arke, balse taasi laguma simin in taladaasi ay meel marto.

Shantii golihii sare ee Kacaanka

  1. Qaabkii uu u dhacay afgabmiga

Habeennimadii 21 October 1969 waxaa talada dalka Soomaaliya la wareegay militarigii dalka ka jiray.

Ciidamadii talada qabsaday lama garaneyn cidda hogaaminaysay xilligaasi, balse waxay kala cadaatay 1-di bishii November 1969 oo lagu dhawaaqay xubnihii golihii sare ee kacaanka oo ka koobnaa 25 xubnood.

Alle ha u naxariistee, Maxamed Siyaad Bare ayaa khudbaddii ugu horeysay jeediyay 23 october sannadkii 1969 taasi oo uu uga hadlayay wax ay doonayaan in ay qabtaan.

“Waxaanu dooneynaa in uu dalku noqdo mid sharci ku dhisan, inaanu dadka ka dhigno dad sharciga u hogaansan, waxaanu dooneynaa inaan ku talaabsano laaluush inaanu baabi’ino, waxaanu doonaynaa inaanu ku talaabsano qaraaba kiilka inaan baabi’ino, waxaan doonaynaa inaanu ku tallaabsano qabiilkii xumaa inaan baabi’ino”, ayuu yidhi Maxamed Siyaad Bare.

Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa saraakiishii xiligaasi ayaa sheegay in afgambiga uu ahaa mid si wayn loo qorsheeyay.

“Wuxuu inqilaabka u dhacay ciidamadii ayaa la qeybiyay, Idaacadii ayuu qabsaday, wuxuu qabsaday xaruntii dowladda, wuxuu qabsaday bangigii dhexe, baarlamaanka ayuu qabsaday, meelaha halbowlaha ah oo dhan ayaa ciidan loo diray”, ayuu yidhi Janaraal Galaal.

“Ma ahayn qorshaynta afgembiga mid qarsoon way iska cadeyd nimankii meesha joogay umbaa damanayaal ahaa oo haddii wax kasta loo sheegayna way aqbali waayeen inqilaabkaas sidaa ayuu ka dhacay”, ayuu yidhi.

Haddaba markii ay dowladdii Kacaanka xukunka la wareegtay waxay ku dhaqaaqeen dhowr arrimood oo dhanka horumarinta bulshada iyo dalka ah.

Dadka taageera Maxamed Siyaad Bare waxay sheegaan in dowladdiisa intii ay jirtay, in dalka Soomaaliya uu isbadallo hormar leh ka sameeyay, halka kuwa dhaliila ay fikir kaa ka duwan ay qabaan.

Qaar ka mid ah guddigii qoray afka Soomaaliga

2. Qoriddii Afka Soomaaliga

Qoridda afka Soomaaliga ayaa ka mid ahaa waxyaabihii lagu ammaanay dowladdii kacaanka ee Maxamed Siyaad Bare.

Sannadkii 1972-dii ayay ahayd markii ugu horeysay ee la qoro afka Somaaliga, waxaa uuna Maxamed Siyaad Bare aaminsanaa in dadka ay afkooda hooyo uga ciil bixi karaan dhanka waxbarshada.

“Gunnimo cilmi ah ama tacliin ah wax afka hooyo aan ahayn oo naga bixin karo ma jiro taasi markaan baranana cilmigii kale waa badan yahay waana ballaadhan yahay wixii lagu baran karo waa uun afka hooyo, mid kale laguma baran karo saa darteed afkii hooyo ayaan dhigeynaa”, ayuu yidhi Mr siyaad.

Prof Maxamed xaaji Raabi wuxuu ka mid ahaa maclimiintii kulayadii waxbarashada Lafoole qeybta luuqadaha waxa uuna ka mid ahaa barayaashii ugu horeysay ee luuqada Soomaaliga ka dhigta kuliyadda.

“Markiiba kacaanka waxay ku dhaqaaqeen in Afsoomaaliga la qoro markaa guddi ayay magacaabeen ka kooban 21 qof waxaana lagu yidhi ‘waxaa la doonayaa inaad qortaan afar buug oo ah buugaagta ugu horeysa ee Afsoomaaliga laga dhigi doono dugsiyada'”, ayuu yidhi Prof Raabi.

Prof Maxamed xaaji Raabi ayaa sheegay in guddigii loo saaray qoridda afka Sooamaliga ay u kala qeybsameen dhowr qeyb oo qaar ay doonayeen in lagu qoro carabiga, kuwana ay doonayeen in lagu qoro Laatiinka, balse markii dambe la qaatay Laatiinka.

“Qolyihii Laatiinka qorayay cidna uma ayna baahneyn; Teeb inta ay qaateen ayay wixii ay qaban kareen qabteen, qoladii kacaanka wax kale ma ayna sameyn kuwii laatiinka umbay qaateen”, ayuu ydihi Prof Maxamed xaaji Raabi.

Janaraal Maxamed Nuur Galaal

3. Dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya

Waxyaabaha kale ee lagu xusuusto xukumaddii kacaanka ee uu hogaaminayay Maxmed Siyaad Barre waxaa ka mid ahaa dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya.

Dagaalkaas oo dhacay 1977-dii, waxay ciidamadii Soomaalida ay markii hore gaadheen guulo la taaban karo.

Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa saraakishii hoggaamineysay dagaalkii dhexmaray Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa sheegaya in “dagaalkaasi uu ahaa laba qeybod oo kala ah qeybtii jabhadaha iyo kii ay ku galeen ciidamada dhulka Soomaalida Itoobiya”.

“Dagaalka labo waji ayuu ahaa, wajigii gobanima doonka iyo wejigii ay ciidamadu ku galeen”, ayuu yidhi.

“23 bishii July 1977 ayaan ku dhufanay dhanka koonfureed oo dhan oo ah Godey, Qabridahar iyo dhagaxbuur. Qabridahar isla maalinkiiba waan qabanay”, ayuu yidhi Janaral Galaal.

Ibraahim Cabdulahi Xuseen Dhagaweyne hogaamiyayaashii jabhadii SNM

4. Dagaalkii Gobolada Waqooyi

Waxyaabaha kale ee xukumaddii Maxamed Siyaasad Bare lagu xusuusto waxaa ka mid ahaa dagaalkii gobollada Waqooyi ee imika ah Somaliland.

Dagaalkaasi wuxuu u dhaxeeyay dowladdii kacaanka iyo jabhaddii SNM ee ka soo horjeeday.

Ibraahim Cabdulahi Xuseen Dhagaweyne waa taliyihii hogaaminayey ciidankii jabhada SNM ee bishii May 1988 weeraray magaalada Hargeysa.

Dhagaweyne ayaa la waydiiyay waxyabihii ku qasbay inay hubka qaatan oo ay dowladdii kacaanka la dagaallamaan.

“Waxaa heerkaa na gaadhsiiyay markay cadaalad darada badato oo wadahadal la diiday ee talo la diiday oo la yidhaahday aniga umbaa teyda soconaysaa waxay taasi keeneysa in gacanta la isula tago”, ayuu yidhi.

Ibraahim Cabdulahi Xuseen Dhagaweyne ayaa sidoo kale sheegay in dowladdii kacaanka ee uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Bare ay diiday inay wadahadalo la gasho oo ay ka qanciso dadkii gobollada waqooyi waxyaabihii ay tabanayeen.

“Wax ummadu leedahay in laga wadahadlo Maxamed Siyaad meel cad ayuu iska taagay aduunyada xitaa way u soo jeedisay in la wadahadlo, wuu diiday in uu mar kali ah la wadahadlo”, ayuu tilmaamay Dhagaweyne.

Dowladdii kacaanka oo ka talinaysay Soomaaliya muddo 21 sano ah waxa ugu dambeyntii xukunka ka tuuray jabhado sanndii 1991.

 

Hargeisa Press Desk/Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here