Adigaaba quud Doonaye quusay Faransiis…!

0
1273

Waaga iyo waayaha wareegu xiliba xaaja walaacda dadna wuu dhimanayaa, dadna waxybay weli aduunka ka raadinayaan..!

Dawladihii waa weynaa ayaa quustay o la tacaalaya caabuqii iyo saamayntiisi, inaguna weli eex, qabyaalad, xaasidnimo, nin jeclaysi, is qabqabsi, is ceebeen iyo is eedeyn ayaano weli ku jirnaa. Allow noo Sahal amooraha adiga awooda leh!

Maanta colada iyo Covid19 waa laba qaawani isma qaadi karaan u labaduba waa dabar goyen iyo aafo qaran u waa maah mahdi tidhi aniga o aabahay la liita ayoo aabihiis ii keeney!
Markaa maanta anaga o Covid19 la liidana inaano colaad isku dhex abuurno o iswada dhaliilno waa talo xumo iyo la filan waa.!

Maan fahmin ilaa hada waxaa dadka nabadda u diiday o markasta dhaliil iyo colaada keena iyada o nabad, naxariis, jacayl iyo walaalnimo lagu wada noolaan karo..!

Wixii tagay wey ha odhan
Wax kaa maqana ha u waraaqine
Salaadiyo wakhtigeed…!
Waxtarki nolosha danbe
Warfaha u wareejiyaayo
Wehelooy wadadaan hayaa
Xidhiidhkeenu yaano wiiqmin..!

Midnimo Walaalnimo gobonimo Somaliland.

Samia Muse

LEAVE A REPLY