“Adduunku wuxuu ku kala horumaray siduu u kala fahamsan yahay dastuurkiisa iyo waajibka ka saaran dalkiisa”…

0
371

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha qaranka iyo arrimaha dastuurka ee Somaliland ayaa sheegay in barashadda dastuurka iyo fahamka waddaniyadda oo ay hesho bulshadeenu lagu gaadhi karro horumarka aynu hiigsanayno.

Waxaanu tilmaamay in bulshadda oo la barro dastuurka iyo waddaniyada ay qayb ka qaadan karto in lagaga baxo dhibaatooyinka iyo dib u dhacyadda dhaqaale, iyo horumar la’aanta ee ina haysta.
Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, waxa kaloo uu sheegay Somaliland ay baahi weyn u qabto in jiilkeenna dhalinyaradda aqoon yahanka ah ee soo kacaya in ay aqoontoodda wanaagsan ku ladhaan waddaniyadda iyo muwaadinnimadda.


Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha qaranka iyo arrimaha dastuurka ee Somaliland waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay tababar ku saabsan barashadda dastuurka iyo waddaniyadda oo uu maanta magaaladda Hargaysa ka furay.
Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa carrabka ku adkeeyay adduunku ku kala horumaray sida uu u kala fahamsan yahay, gudashadda, garrashadda, iyo waajibka ka saaran dalkiisa iyo dadkiisa.


Isagoona xusay in wadan walba horumarkiisu ku xidhan yahay had ba heerka uu taagan yahay barashadda iyo fahamka bulshadiisa ee dastuurkiisa, shuruucda, iyo waddanyadda.
Tababarkaasi uu wasiirku furay oo soconaya muddo laba maalmood ah waxaa loo furay oo ka qayb qaadanaya dhalinyaro ka kala socotay qaybaha kala duwan ee bulshadda Somaliland.
Waxaana tababarkaasi soo diyaarisay xarunta barashadda dastuurka iyo waddaniyadda ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha qaranka iyo arrimaha dastuurka.


Furitaanka tababarkaasi waxaa ka soo qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha qaranka iyo arrimaha dastuurka, agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada iyo sayniska, agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha C/rashiid Caydiid Yaasiin.
Sidoo kale waxaa furitaanka tababarkaasi goob joog ka ahaa masuuliyiin ka socday haayadda Qarramada midoobay ee UNFPA, oo iyadu wasaaradda xidhiidhka goleyaasha qaranka iyo arrimaha dastuurka Somaliland kala shaqaysa hirgelinta arrintaasi.


Qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo madaxda Xarunta Barashada dastuurka iyo waddaniyada ee wasaarada xidhiidhka goleyaasha Somaliland.

DAAWO: Wasiir Maxamed Xaaj Aadan Cilmi Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:


Hargeisa Press.com/Hargesa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here