Abwaan WEEDHSAME Oo Ka Tacsiyadeeyey Bah-weynta Fanka Iyo Suugaanta Geerida Ku Timi Abwaanadii weynayd Ee Nimco Gabaydo.

0
1150

Hargeysa, (HargeisaPress) — Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) ayaa waxa uu ka tacsiyadeeyey, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo guud ahaan bah-weynta Fanka iyo Suugaanta ee ay ka baxday Abwaan Nimco Aadan Hurre (Nimco Gabaydo) oo gelinkii danbe ee maanta ku Geeriyooday Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa.

Weedhsame waxa uu sidaa ku sheegay qoraal uu ku saxeexan-yahay oo uu soo gaadhsiiyay Xafiisma Shabakada Wararka ee Hargeisapress.com, waxaanu u dhignaa sidan:

“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Nimco Aadan Hurre oo Nimco gabaydo ku caan ahayd ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo, ilaahay qabrigeeda ha u nuuro, su,aalaha munkar iyo nakiir allaha u fududeeyo, qabrigana allaha weyni beer ka mida beeraha jannada ha uga dhigo isagoo keliya ayaa awooda lehe. Ehelkay ka tagtayna allaha weyni samir iyo iimaan allaha ka siiyo. Sidoo kale ilaahay asxaabteedii iyo intii weedheeda iyo wejigeeda taqaanayna samir iyo iimaan allaha ka siiyo.”.Ayuu yidhi Abwaan Weedhsame.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY