Abwaan Laab-saalax Muxuu Ka Yidhi, Musharraxnimada Madaxweynaha Jabuuti?

0
1015
Abwaan Laabsaalax iyo Ismaaciil Cumar Geelle
Abwaan Laabsaalax iyo Ismaaciil Cumar Geelle

Hargeisa (Hargeisa Press) — Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-saalax) oo ka qaybgalay Xaflad lagu Taageerayo Musharraxnimada Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, ayaa si qoto dheer uga waramay xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti.

Sidoo kale, Abwaan Laab-saalax ayaa ka hadlay musharaxnimada Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Gelle ayaa markii shanaad isku soo taagay xilka madaxweynaha ee dalkaasi.

Madaxweyne Geelle afar jeer ku guuleystay xilkan, iyada oo ay ugu dambeysay sanadkii 2016-kii, walow ay doorashadaas dood ka keeneen xisbiyada mucaaradka ee Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa xilkan markiisii ugu horreysay waxaa loo doortay 9 bishii April ee sanadkii 1999-kii, waxaana uu xukunka hayaa muddo 21 sano ah.

LEAVE A REPLY