Abwaan Hadraawi & Dad la socday oo laga badbaadiyay Dooxa Dacar-budhuq

0
1065

Hargeysa, (HargeisaPress) — Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame ( Hadraawi)  iyo saddex qof oo la socday, ayaa dirqi lagaga badbaadiyey dooxa Dacar-budhuq ee u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera.

Afartan qof ayaa waxaa badbaadiyey shacabka deegaankaas ku nool, waxaanu Abwaanku u mahadnaqay dadweynihii badbaadiyey ee ka soo dhex saaray daadka qaadanayey.

“Waxaan moodaynay in biyaha socda yar yihiin, sidaas baanu is nidhi waad dhaafi kartaan, haseyeeshee biyaha marayay oo xoog badnaa ayaa nala tagay.. balanka ilaahay hada xabaal baanu ku jiri lahayn hadii aanu ilaahay noo soo diri lahayn dadkii na badbaadiyay baan ugu mahad celinayaa.”ayuu yidhi Abwaan Hadraawi.

Abwaanku waxa uu sheegay in gaadhigii ay la socdeen daadku la tagay, balse iyaga ALLE ayaa ka badbaadiyay, isla markaana dirqi kaga baxeen dooxaas kaddib markii gurmad ay ka heleen dadweynaha deegaanka.

Si kastaba ha ahaatee, dooxan Dacar Budhuq ayaa gwakhtiyadda roobku Da’ayaan galaafta dad iyo duunyo badan, waxaanu inta badan halis galiyaan mararka qaarkood u geeriyoodda dad safar ku jira oo u kala socda Hargeysa iyo Berbera, haseyeeshee inta badan waxa dadkaasi badbaadiya dadweynaha deegaanka oo aqoon u leh dooxa iyo wakhtiyadda uu gaadiidka qaadan karo, balse gaadiidleyda ayaan inta badan dhagaysan talooyinka la siiyo.

Guud ahaaan Somaliland waxa si rasmiya uga bilaabmay Gu’ga, iyadoo roobabku aad u da’ayaan, isla markaana ay Dooxyadda soo rogamayaan, taasoo inta badan khatar galiya dadweynaha dooxyadaasi u dhow.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here