Abuukar Cawaale (Qaaddiid) oo Ka Hadlay Xadhig Loogu Geystay Magaalada Laascaanood

0
1789

Garoowe (Hargeisa Press) – Abuukar Cawaale oo loo yaqaano Qaaddiid ayaa ka hadlay xadhig xalay loogu geystay magaalada Laascaanood, halkaas  oo uu qorshaynayay inuu ka sameeyo ololihiisa.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Garowe, saacado kadib markii lagasoo masaafuriyay Laascaanood ayuu Abuukar Cawaale sheegay, in si fool xun loogula dhaqmay Laascaanood islamarkaana xilli saq dhexe ah hotelkii uu deganaaa loogu soo galay lana xidhay.

“Waxaan aad uga xumahay in la ii dhibaateeyay inaan Laascaanood geeyo wacyi galinta ka dhanka ah Qaadka. Shakhsiyaad magac dowladdeed isticmaalaya ayaa hor istaagay inaan bulshada ka wacyi galiyo Qaadka,” ayuu yidhi Abuukar Cawaale.

Abuukar Qaaddiid ayaa tilmaamay inuu sifo sharci ah ku tagay Laascaanood islamarkaana ujeedadiisu ay ahayd inuu wacyi ka dhan ah Qaadka ka sameeyo xarumaha waxbarashada iyo goobaha lagu cibaadaysto.

Wuxuu ku eedeeyay masuuliyadda dhibaatada loo geystay inuu ka dambeeyo gudoomiyaha gobolka Sool, isagoo sheegay inu ahaa qofkii ka dambeeyay in laga soo musaafuriyo magaalada Laascaanood.

LEAVE A REPLY