Abaabul Dagaal Oo Caawa Si Weyn Looga Dareemayo Laascaanood

0
820

Laascaanood (HP): Wararka naga soo gaadhaya magaaladda Laascaanood ayaa sheegaya in caawa magaaladda si weyn looga dareemayo abaabul dagaal.

Abaabulkan dagaal ee caawa sida xoogan looga dareemay Laascaanood ayaa la sheegay in ay wadaan kooxaha magaaladda kula dagaalamaya ciidamadda qaranka Somaliland.

Waxaana la xidhay dhamqanba meheradihii ganacsi ee furnaa, oo ay ku jiraan Kabadha Qaadka lagu iibiyo, iyo meello kale.
Gaadhi sameecado saaran yihiin ayaa dadka ku amraya in la xidho meherada ganacsiga, la na diyaar garoobo, kaas oo cod dheer ku guubaabinaya dadka isku soo bax dagaal.

Saraakiisha kooxaha huwanta ah oo maalmihii u dambeeyey is uruursanayey ayaa qorsheeyey dagaal culus oo saacado badan socda oo lagu qaado saddex jiho oo ka mid ah fadhiisimada ciidanka qaranka JSL.

Geesta kale abaabulkan dagaal ee caawa ka socda Laascaanood ayaa ku soo beegmaya, iyadoo uu maanta taliyaha ciidamadda qaranka Somaliland ka warbixiyay xaalada dagaalka Laascaanood.

Waxaanu sheegay taliye Nuux Ismaaciil Taani, in ciidamadda qaranka Somaliland ay weli ku sugan yihiin fadhiisimadoodii, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay iska difaacaan weerar kastoo ay ku soo qaadaan kooxaha isku baahaystay dagaalka Laascaanood.

Sidoo kale waxaa jiray warar, iyo muuqaallo ay maanta baahiyeen warbaahinta dawladda ee Somaliland oo sheegayay in ciidamadda qaranka JSL ay gacanta ku hayaan qaybo ka mida magaaladda Laascaanood.

Goobahaasi oo ay ka mid tahay Wershadda biyaha soo saarta oo ka mida ganacsiyadda shacabku leeyihiin.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here