“Aad ayaan ugu farxay go’aankii kasoo baxay Maxkamadda ICC”Uhuru Kenyatta

0
1255

Nairobi, (HargeisaPress) — Madaxweynaya dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa si aad ah u soo dhaweeyay go’aankii maxkamadda dambiyada ee ICC ku joojisay dacwadihii bani’aadamnimo ee loo haysta, kuwaasoo loo waayay markhaatiyaal ku filan.
Kenyatta ayaa hadal uu soo saaray ku sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay go’aankan, uuna ka dagay hadda culeys badan oo ay dacwaddan ku haysay. Wuxuuna xusay in tani ay caddeyn u tahay inuusan wax dambi ah lahayn.
“Waxaan mar walba u sheegi jiray shacabka Kenya iyo kuwa caalamkaba in aanan wax lug ah ku lahayn eedaha la ii soo jeediyay, balse hadalkeygaas si dhab ah ayuu u rumoobay,” ayuu yiri Kenyatta.
Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Mar kale Ayaan ku celinayaa inaan nadiif ka ahayn dhammaan eedeymaha la ii soo jeediyay, mana doonayo in aan intaas ka badan ka iraahdo arrintan.”
Uhuru Kenyatta ayaa war kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka  ku sheegay in dacwadan ay six un u dhaawacday sumcadiisa iyo mas’uuliyada uu u hayo shacabka Kenya, isagoo xusay in loo baahan yahay in arrimahan oo kale si aad ah looga fiirsado, si aan sharafta qof bani’aadam ah dhaawac loogu geysan.
Maxkamadda dambiyada dagaalka ee caalamka ICC ayaa sheegtay inaysan wax caddeymo ah oo ku filan u helin dacwadda loo haystay Kenyatta, sidaa awgeedna ay go’aan ku gaartay inay joojiso dacwadda, inkastoo warbixinta ICC lagu xusay inay dhici karto in dib loosoo celiyo haddii caddeymo ku filan loo helo.
Kenyatta iyo ku xigeenkiisa Ruto ayaa loo haystay sannadihii lasoo dhaafay dacwado bani’aadamnimo oo la xiriira dilka in ka badan 1,000 qof oo Kenya ah iyo barakicinta kumannaan kale, kaddib rabshado dalkaas ka dhacay sannadkii 2007, markaasoo lagu murmay natiijada doorashadii madaxnimo ee dalkaas.
Si kastaba ha haateen, dhibanayaashii dadkooda lagu waxyeelleeyay falkii ka dhacay Kenya ralli kama noqon doonaan go’aanka ICC ay ku baabi’isay dacwaddii loo haystay Kenyatta.
Maxkamadda ayaa waxaa weli yaalla dacwado kuwa Kenyatta oo kale ah oo loo haysto madaxweyne ku xigeenka dalkaas, William Ruto iyo wariye ka tirsan idaacad maxalli ah oo lagu magacaabo Joshua Arab.

LEAVE A REPLY