Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Ka Qayb-galay Xuska 42-guurada Xornimada Djibouti oo lagu qabtay Hargeysa

0
1626

Hargeysa (HargeisaPress) – Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusayey 42-guurada ka soo wareegtay markii Jamhuuriyadda Jabuuti Xornimada ka qaadatay gumaystihii Faransiiska 27-kii June 1977-kii, ayaa xalay oo ay taariikhdu ahayd 27 June 2019, waxaa lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Xafladdan loogu dabbaal-degayey 42-guurada ka soo wareegtay xornimadii Jamhuuriyadda Jabuuti, oo ay soo qaban-qaabisay Safaaradda Jabuuti ku leedahay magaalada Hargeysa, waxaa ka qaybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti ee Safaaradda Somaliland ee Hargeysa Xuseen Cumar Kawaaliye, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland, Xildhibaanno ka socday dalka Jabuuti, Safiirrada dalalka Itoobiya iyo Turkiga u jooga Somaliland, Siyaasiyiin, Diblamaasiyiin ka socday Safaaradda Ingiriiska ee Hargeysa, Midawga Afrika, Jaaliyadda Reer Jabuuti ee Somaliland ku dhaqan, Xubno ka socday Shirkadaha Somcable iyo Telesom, Fannaaniin, Mudan iyo Marti-sharaf kale oo tiro badan.

Munaasibaddaas, waxaa hadal kooban oo furitaan ah ka jeedisay Guddoomiyaha Jaaliyadda reer Jabuuti ee Somaliland ku dhaqan Maryan Xariir Faarax, waxaanay hambalyo iyo bogaadin u dirtay guud ahaan Bulshada reer Jabuuti iyo dowladdooda.

 

Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Cabdinaasir Axmed Xirsi, ayaa isaguna xafladdaas ka hadlay xidhiidhka  wada-shaqayneed ee wasaarad ahaan iyo Safaaradda ka dhexeeya iyo xidhiidhka guud ee Somaliland iyo Jabuuti, oo uu tilmaamay inuu marba marka ka dambaysa sii xoogaysanayo, waxaanu hambalyo u diray guud ahaan dadweynaha reer Jabuuti 42-guurada xornimadooda ee ay u dalkooda iyo dunidaba ugu dabbaal-degayaan.

Cabdiwahaab Maax oo Telesom ka socday iyo Eng. Axmed Cabdi Ibeaahin oo Somcable ka tirsan, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay, isla markaana hambalyo u diray Shacabka iyo dawladda Jabuuti.

Cabdalle Xaaji Cismaan oo ah Suxufi qoraa ah oo reer Jabuuti ah, ayaa halkaa ka hadlay, waxaanu ka warramay taariikhda halgankii loo soo maray xorriyadda Jamhuiriyadda Jabuuti oo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid qadhaadh.

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ku leedahay Somaliland Xuseen Cumar Kawaaliye, ayaa halkaas ka hadlay, ka sokow hambalyada uu u diray Madaxweynaha Jabuuti, Marwadiisa iyo guud ahaan shacabka reer Jabuuti, waxa uu ka warramay wax-qabadka dowladda Jabuuti. Waxaanu Safiirku u mahad-celiyey Madaxda, Mudanta iyo Marti-sharafta kale ee ka soo qaybgalay munaasibadda 42-guurada ee ay Hargeysa ku qabteen xalay.

Waxa uu Safiirku ku soo dhaweeyey cod-baahiyaha Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), oo sheegay inay Dadka iyo Dowladda Jabuuti la wadaagayaan farxadda 42-guurada gobonnimadooda iyo maalintii xorriyaddooda ka soo wareegtay.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo ka hadlaya xidhiidhka dhaqan iyo dhiig ee ka dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti, ayaa sheegay inuu yahay xidhiidhku mid walaalnimo oo soo jireen ah, weligiina sii jiri doona.

Markii uu Madaxweyne Ku-xigeenku hadalka dhammeeyey, waxay saacadda geeska Afrika is dul-taagtay 12:00 (laba iyo tobankii habeennimo), waxa la shiday amma la daaray, isla markaana Madax iyo Shicibba loo istaagay Heesta Calanka Jamhuuriyadda Jabuuti oo dabcan dareenkeeda iyo qiiradeeda la wada muujiyey.

Intaa waxa dheeraa Heeso kala duwan oo loo sameeyey calanka iyo dowladda Jabuuti iyo qaar muujinayey wax-qabadka iyo hoggaaminta Madaxweynaha Jabuuti iyo kuwo Marwadiisa lagu ammaanay, ayay Fannaaniintu ku soo bandhigeen intii ay Munaasibadda dabbaal-degga 42-guurada Xornimada Jabuuti ee 27 June 2019 socotay.

HargeisaPress.com

LEAVE A REPLY