27 Ruux oo Lagu Dilay Iska Horimaad Ka Dhacay Xuduuda Ay Wadaagaan Soomalida iyo Canfarta 

0
1213

Addis Ababa (Hargeisa Press) – Dagaal  dhaxmaray labada Qowmiyadood ee Canfarta iyo Soomaalida ayaa lagu waramayaa in lagu dilay 27 ruux, sida lagu sheegay War ka soo  Dowladda Itoobiya.

Dagaalka labada Qowmiyiadood ayaa salka ku haya muran dhinaca xudduudaha oo muddo dheerba soo jiitamayay, iyadoo marar badan oo hore sidan oo kale dagaalo uga dhaceen xadka labada dhinaca Ismaamul.

”27-ka ayaa loo dilay “sababo la xidhiidha isku dhacyo ka dhacay xuduudaha Soomaaliya iyo Canfarta”, ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay xukuumadda Itoobiya.

Cali Bedel oo ah Afhayeen u hadlay deegaanka Soomaalida ayaa xaqiijiyay dilkan wuxuuna eedeyn dusha uga tuuray maleeshiyada ka soo jeeda deegaanka Canfarta ‘Maleeshiyada maxalliga ah ee ka soo jeeda Canfarta ayaa ka dambeeyay dilka,” ayuu u sheegay Reuters.

Rabshado is daba-joog ah oo goos goos ah ayaa ruxay Itoobiya tan iyo markii ra’iisal wasaare Abiy Ahmed uu xukunka qabtay 2018.

LEAVE A REPLY