21 milyan oo shilin ayaa lagu kala iibsaday hal ciyaartoy caasimada Somaliland ee Hargeisa !!.

0
2283

Magaca ciyaaryahanka: xamse shulac.

•Kooxda iibsatay: ciidanka asluubta.

•Kooxda iibisay: kooxda gaashaan.

Qalinka: Axmed Cismaan Batuun

Mudooyinkii u danbeeyay waxaan la socday dhaqdhaqaaqyada xidhiidhka kubadda cagta ee somaliland, anigoo ilaa xad ku bogaadinayaa sida abaabulan ee ay u wadaan kobcinta iyo soo noolaynta rejada dhalinyarada kubadda cagta iyagoo kaashanaya hay,adaha masuuliyad ahaan ay bah wadaagta yihiin.

Waxyaalaha ay ku guulaysteen waxaan ka xusi karaa qodobadan:

1-hirgeinta horyaal u qaybsan heerarka

a-1aad

b-2aad

c-3aad kuwaasoo si habsami ah u socda

2-hirgelinta suuqa iibsiga ciyaartoyga iyadoo waliba lacagta dalka la isticmaalayo.

Inkasta oo aanan xidhiidh toos ah la samaynin maamulka xafiiskan isla markaana aanan aqoon u lahayn masuuliyiinta xidhiidhka kubadda cagta,waqtigan la joogana aanan ahayn ciyaartoy ku jira bahdan, hadana waxaan jeclaystay inaan bulshada inta aan waxba kala soconin la wadaago ogaalkayga kooban shaqada ay u hayaan  xafiiskani dhalinyarta ku tiirsan ciyaarta kubadda cagta iyagoo si qorshaysan u abuuray xiise gelinta, iyo dhiirrigelin kubadda cagta, xiligan la joogana jiho iyo higsi u baahan horumarin iyo taakulo u abuuray.

Hamse Shulac

Waxaan aad u amaanaya kooxaha xidhiidhka kubadda cagta ku garab istaagay hindiseyaasha ay ula yimaadeen ee lagu soo noolaynayo kubadda cagta kuwaasoo ay ka mid yihiin kooxaha ciidamada qalabka sida ee dalka iyo hay,adaha kale ee dawlada.

Waxaan baaq u dirayaa dadka jecel in da,yarta dalka laga mashquuliyo balwadaha tahriibta iyo waxyaalaha la midka ah ee dalka ka shaqaysta ama u dhashay ee isugu jira qurbe joog iyo qolqol joog, anigoo ka codsanaya inay kusoo biiraan dedaalada horumarineed ee ay wadaan xidhiidhka kubadda cagta ee somaliland isla markaana ay ugu yaraan maal geliyaan kooxo magacooda ku ciyaara ama ay siyaabo kale u gacan qabtaan xafiiskan, anigoo geesta kalana xukuumada ku boorrinaya inay gacan wayn ka geysato meelmarinta yoolka iyo qorsheyaasha xidhiidhka kubada cagta oo si xawli ah u socda isla markaana hadii wada jir loo taageero faa,iido keeni doona.

Ugu danbayn waxaan bahda warbaahinta ee somaliland usoo jeedinayaa inay shuruud la,aan kaalintooda kaga qaataan gudbinta wararka iyo hawlaha xidhiidhka kubadda  cagta ee somaliland oo muujiyay hal abuur karti iyo dedaal u muuqda inuu midho dhalayo.

Qalinka: Axmed Cismaan Batuun…..2021…

LEAVE A REPLY