“2018-kii waxaanu isla qaadanay afar bilood iyo 40 KM Mawliid 90%”…

0
397

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta Somaliland ayaa karti iyo daacadnimo shaqo ku amaanay agaasimaha cusub ee haayadda waddooyinka Somaliland ee dhawaan la magacaabay.

Waxaanu sheegay in agaasimahaasi xiligii uu ka tirsanaa masuuliyiinta haayadda Waddooyinka inuu muujiyay hawl-karnimo iyo shaqo wanaag ay daacadnimo ku dheehan tahay.

Wasiir C/laahi Abokor Siciid, waxa uu si gaar ah tusaale ugu soo qaatay in sanadkii 2018-kii loo baahday maareeye dhaqaajiya hawsha dhismaha jidka Ceerigaabo, isla markaana muddo afar bilood ah ku gaadhsiiya 40KM.

Waxaanu sheegay in agaasime Mawliid, uu xiligaasi go’aankii ay qaateen iyo qorshihii la dejiyayba uu sidii la rabay iyo weliba dheeraa duga soo baxay una gaadhsiiyay yoolkii loo dejiyay.

C/laahi Abokor Siciid, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad ay maanta xilalka kula kala wareegayeen agaasimihii hore ee haayadda waddooyinka iyo agaasimaha cusub.

Waxa kaloo uu wasiirku intaas raaciyay in agaasimaha cusubi xilka cusub ee hadda loo magacaabay uu sidiisa uga soo bixi doono.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here