Hoggaamiyaha Mucaaradka Koonfurta Suudaan oo Booqasho ku Tagay Dalka Djibouti

0
1700

Sudan, RiekDjibouti , (HargeisaPress) — Hoggaamiyaha mucaaradka Koonfurta Sudan, Riek Machar ayaa ku sugan dalka Jabuuti, waxaan socdaalkiisan uu qayb ka yahay safarro siyaasadeed oo uu marayo dalalka gobolka, si uu u sharraxo qorshaha kooxdiis ee ah inay diyaar u tahay fulinta qorshayaasha IGAD ee ku aaddan nabad kusoo dabaalidda dalkiisa South Sudan.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka South Sudn haddana ah hoggaanka mucaaradka ah ee ka horjeedda xukuumadda madaxweyne Silva Kiir ayaa la filayaa inuu kulan la yeesho madaxweynaha Djibouti, Ismaacii Cumar Geelle .

Afhayeenka mucaaradka Koonfurta Sudan, James Gatdet Dak ayaa xusay in hoggaamiyaha kooxdooda uu Jabuuti u yimid qorshaha nabadeed ee lagu doonayo in colaadda dalkaas xal looga garo.

“Riek Machar, wuxuu Jabuuti yimid Sabtidii si uu wadatashi ula sameeyo madaxweynaha Koonfurta Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Booqashadan waa mid diiradda lagu saarayo qorshaha wadahadallada nabadeed ee ka socda Addis Ababa, kaasoo ay waddo IGAD,” ayuu yidhi James Dak oo tafaasiil intaa ka badan aan bixin.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in hoggaamiyaha mucaaradka ah uu socdaalkiisii kan horreysay ku tagay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, ayna haatan yimaadeen dalka Jabuuti, iyadoo uu la socdo madaxiisa waaxda xiriirka dibadda ee mucaaradka.

Machar ayaa bishii lasoo dhaafay booqashooyin kuwan la mid ah ku tagay dalalka Kenya, isagoo kulan lasoo qaatay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta isagoo u sheegay inay kooxdiis mucaaradka ah diyaar u tahay wax walba oo wada-xaajood nabadeed ah.

Dhanka kale, hoggaamiyaha mucaaradka ah ee dalka Koonfurta Sudan, Riek Machar ayaa booqasho horay ugu tagay dalka Koonfur Afrika, halkaasoo uu kula soo kulmay madaxweynaha dalkaas Jacob Zuma, isagoo u sharraxaad ka siiyay mowqifka kooxdiisa.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY