17 Qof oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Afgaanistaan, Xilli La Isu Diyaarinayay Munaasabadda Ciidda

0
1062

Logar (Hargeisa Press)- Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay gobolka Logar ee dalka Afgaanistaan, xili la isku diyaarinayay munaasibada Ciidul Adxada.

Weerarkan ayaa la sheegay in loo adeegsaday baabuur walxa qarxa laga soo buuxiyay.

Qarax ayaa yimid xilli dhawaan dowladda dalkaas iyo kooxda Taliban ay ku heshiyeen xabadjoojin, taas oo kooxda Taliban ay sheegtay in ujeedka uu yahay maalmaha ciidda.

Kooxda Taliban ayaa beenisay inay ka dambeysay qaraxa, halka kooxda IS oo weeraro hore uga geysatayna aanay ilaa iyo hadda ka hadlin weerarka.

Afhayeenka gobolka Logar ayaa wakalaadda wararka ee AFP u sheegay in weerarka la aaminsan yahay in uu geystay qof isa soo midaamiyay, waxaana uu ka dhacay meel aan ka fogeyn xafiiska badhasaabka gobolkaas, halkaas oo dad badan ay ka dukaameysanayeen.

“Argagixisada waxaa ay markale weerar geysteen habeenka ciidul Adxa, waxaana ay dileen dad badan,” ayuu yidhi afhayeenka wasaaradda amniga, Tariq Arian.

Dhanka kale afhayeen u hadlay kooxda Taliban Zabihullah Mujahid waxaa uu sheegay “in iyaga aanay ku lug lahayn weerarka”.

Ilaa iyo hadda lama oga cidda ka dambeysay weerarkan oo dhacay xilli dad badan oo ku nool dalkaas ay filayeen inay si nabad ah ku ciidaan.

Waxaa raja laga qabay in labada dhinac ay dhexmarto xabadjoojin rasmi ah, haseyeeshee waxaa dib u dhac keenay maxaabiis ay isweydaarsanayeen dhinacyada.

Heshiis lala galay Taliban ayaa dhigaya in xukuumadda dalkaas ay sii deyso shan kun oo dagaalamayaasha Taliban, taas oo dowladda ay ku badalaneyso kun askari oo ay gacanta ku hayaan Taliban.

Xukuumadda Kabul ayaa sii deysay maxaabiis Taliban ah oo gaadhaya 4,400.

Dhanka kale afhayeen u hadlay Talibanna waxaa uu sheegay inay iyaguna ay sii daayeen inkabadan kun askari oo dowladda u shaqeynayay, kuwaa oo ay gacanta ku heysay kooxda.

Magalaada Doxa ee dalka Qatar ayaa waxaa sanadihii dambe ka socday wadahadalo u dhaxeeya Taliban iyo dowladda Mareykanka, kuwaas oo qeyb ahaan heshiiyay balse aanay wali fari ka qodneyn wadahadaladooda.

LEAVE A REPLY