13 Milyan Oo Doolar Oo Uu 15 Daqiiqo Gudahood Faa’iiday Ayaa Ku Soo Celisyey

0
662

Kaalinta Koowaad Ee Liiska Maalqabeenka Adduunka Agaasimaha fulinta ee shirkadda Amazon Jeff Bezos ayaa mar kale kaalinta koowaad ka noqday liiska dadka ugu maalqabeensan adduunka, kaddib markii uu kaalintaas dib uga riixday aasaasaha shirkadda Microsoft oo hore u haystay, balse imika noqonaya qofka labaad.

Wakaaladda wararka ee Bloomberg ayaa sheegtay in hantida Jeff, ay muddo 15 daqiiqo gudaheed ah ku faa’iiday 13.2 Bilyan oo doolar. kaddib markii qiimaha saamileyda shirkaddiisu uu kordhay boqolkiiba 12, halkii saami ee kastaana uu noqday 219 doolar.

Wargeysku waxa uu sheegay in maalqabeenka Bill Gates uu kaalinta labaad hadda noqday, halka kaalinta saddexaadna uu yahay agaasimaha fulinta ee shirkadda Louis Vuitton, mudane Bernard Arnault oo u dhashay dalka Faransiiska.

Sida ku cad liiska kala horreynta maalqabeennada adduunka ee ay soo saarto majaladda Forbes ee ka soo baxda dalka Maraykanka. Maaliyadda Jeff Bezos waxaa lagu qiyaasaa 128.9 Bilyan oo doolar, halka hantida maalqabeenka kaalinta saddexaad ku jiraa uu haysto 105.2 Bilyan oo doolar.

Maaliyadda Bezos ayaa mar hore hoos u dhacday qiyaas ah 6.8 Bilyan oo doolar, taas oo farqiga u dhexeeya isaga iyo Bill Gates ka dhigtay 4 Bilyan oo doolar, sidaasna uu Gates ku galay kaalinta koowaad. Isbed-beddelka hantida maalqabeennada adduunka ayaa inta badan ku xidhan isbedellada ku dhaca suuqa iyo qiimaha saamiyada shirkadahooda. Waana sababta keenta in daqiiqado gudahood ay balaayiin doolar ku helaan ama ku waayaan.

GEESKA

LEAVE A REPLY