12 KM oo Ka Mid Ah Jidka Berbera Corridor oo Maanta Xadhiga Laga Jaray

0
2312

Berbera (HP): Jidka aadka muhiimka u ah ee Berbera Corridor oo isku xidhaya Somaliland iyo Itoobiya oo muddo badan dhismihiisu socday ayaa 12 KM ee u horeeyay oo laami casriya laga dhigay ayaa manta xadhiga laga jaray.

Berbera Corridor waxaa dhismaheedda meelgeliyay dawladda Imaaraadka carabta, taasoo ka soo bilaabanaysa dekadda caalamiga ah ee Berbera ilaa magaallo xuduudeedka Tog-wajaale.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ay wehelinayeen xubno wasiirro ah ayaa manta xadhiga ka jaray 12 KM ee laamiga laga dhigay.

Iyadoo 12 KM ay ku yaalaan inta u dhaxaysa magaalooyinka Aw-barkhadle iyo Haleeya, oo ku yaalla bariga magaaladda Hargaysa.

Waxaa loogu tallo galay in ay jidkan isticmaalaan gaadiidka xamuulka ee dalka Itoobiya oo aan Badd lahayn ee soo qaadaya alaabooyinka ka soo dega dekadda Berbera.

Jidkan waxaa mari kara gawaadhiga culayskoodu yahay 4o Tan iyo wixii ka weyn sida uu sheegay wasiirka jidadka Somaliland C/laahi Abokor.

Madaxweyne Muuse Biixi, oo jidkan xadhiga ka jaray ayaa ka codsaday dawladda Imaaraadka Carabta ee waddadan dhisaysa in ay dedejiyaan dhamaystirka qaybaha kale ee hadhay, oo aad u badan.

Sidoo kale madaxweyne Biixi waxa uu u mahad celiyay wasaaradda hawlaha guud iyo jidadka sida wanaagsan ee ay ugu dedaashay dhismaha jidkani.

Daawo: Hadaladii Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta Kale:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY