100 Qof oo Cudurka Covid-19 Ugu Geeriyooday Dalka Kenya

0
903

Gaarisa (Hargeisa Press) – Tirada dadka xanuunka COVID-19 ugu dhimanaya magaaladda Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, ayaa si weyn u korodhay, waxaana jirta tiro dad ah oo u dhintay xanuunkan 24-kii saacadood ee la soo dhaafay.

Tirada dhimashada, ayaa saraakiisha gobolka ay ku sheegeen inay gaadhay ku dhawaad 100 Qof oo ay ku jiraan caruur iyo dad da’ ah, iyadoo Wasaaradda Caafimaadkuna ay walaac xoogan ka muujisay.

Bukaano uu haleelay cudurka Covid-19, ayaa sidoo kale la dhigay goobaha caafimaadka ee magaalada Gaarisa, kuwaas oo haatan wajahaya xaalado adag.

Wasiirka caafimaadka ee Ismaamulka Gaarisa, ayaa sheegay in aanay jirin feejignaan dheeri ah iyo dadaal ay dowladda Kenya ku bixineyso ka hortagga cudurka Coronavirus, taas oo uga sii daraysa xaaladda jirta, isla-markaana kor u sii qaadi karto saameynta cudurka Covid-19.

Wuxuu tilmaamay in shalay oo kaliya la baadhay illaa 16,938-ruux, isla-markaana xanuunka laga helay 1846 qof, kuwaas oo la dhigay goobaha caafimaadka.

Maamulka Gaarisa, ayaa dhinaca kale baaq deg deg ah u diray xukuumadda Nairobi, iyaga oo ka dalbaday inay u soo gurmato, maadaama Gaarisa ay noqotay meesha ugu daran ee cudurka, loona baahanyahay in la qaado tallaabooyin lagu badbaadinayo shacabka.

Magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, ayaa waxaa fara ba’an ku haya cudurka safmarka ah ee Covid-19, kaas oo markale ka dilaacay dalka Kenya, waxaana sii kordhaya dadka uu soo ridanayo xanuunku iyo kuwa u dhimanayo.

LEAVE A REPLY