10-Sanno Kadib Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Qalabkii Ugu Badnaa Gudoonsiisay Machadka Shaqaalaha Dawladda + SAWIRRO

0
1012

Hargeysa,(HargeisaPress) — Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland,, ayaa qalabkii ugu badnaa gudoonsiisay Machadka Shaqaalaha Dawladda, si kor loogu qaado Xirfada Shaqaalaha Dawaldda ee kala duwan.

Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa faahfaahin ka bixiyey Agab dhinaca  waxbarashadda loogu talo galay oo ay ka mid yihiin 700 Kursi, Samuurado, Kabadho iyo agab kale ay ku wareejiyeen Machadka Waxbarashadda Dawladda ee CSI, waxaanu hoosta ka xariiqay maadaama oo diwaangelintii shaqaalaha dawladda ay hay’adda shaqaaluhu dhamaystirtay in la gaadhay wakhtigii baahiyaha dhinaca aqoonta ee shaqaalaha kor loo qaadilahaa qalabkanina uu yahay mid wax wayn ka tari kara Baahida jirta.

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo sharaxaaya qalabka ay maanta kala duwan ee Waxbarashadda ay hay’adda shaqaaluhu ku wareejisay Machadka waxbarashada dawladda ee (CSI) waxa uu qoraalkiisa ku yidhi.

-Kadib markii Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu soo dhamaysay xog iyo xaqiiqo raadinta Shaqaalaha Dawladda ayaa waxaa dhawaan si toos ah u bilaabmaya tayeynta Shaqaalaha Dawladda.

-Haddaba, Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu ka dib markii ay  tix-raaceen  xogtii shaqaalaha Dawladda, waxaa si  weyn u muuqanaysay baahida loo qabo in kor loo qaado xirfada iyo aqoonta Shaqaalaha Dawladda  si ay u bixiyaan adeeg hufan oo shacabka raali geliya

-Si taas loo gaadho, waxa aanu maanta Machadka Shaqaalaha Dawladda ku wareejinay agabka waxbarashada oo dhamaystiran kaasi oo  isugu jira in ka badan 700 oo kursi, sabuurado, kabadho iyo guud ahaan-ba baahida machadka ee dhanka agabka kuwaas oo  wax badan ka tari doona kor u qaadida xirfada iyo aqoonta Shaqaalaha Dawladda

-Machadka Shaqaalaha Dawladda oo aan  mudo 10-sanno ah helin wax qalabayn ah ayuu    qalabkani u horseedi doonaa in uu bixiyo adeeg iyo qaad intii hore ka badan.

-Tallaabadan ayaa qayb weyn ka ah hawl-qabadka qaran ee dib-u-habaynta Shaqaalaah Dawladda halkaas  oo aanu dhawaan rajaynayno in Machadka Shaqaalaha Dawladda laga hirgeliyo gobolada kale ee dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here