ZIMBABWE: Mugabe Oo Laga Qaaday Guddoomiye-nimadii Xisbiga Iyo Madaxweyne-nimadiisa Oo Lig-ligaynaysa

0
1137
Mugabbe-iyo-Xaaskiisa-Grace

Hargeisa, (HargeisaPress) —Xisbiga maamula dalka Zimbabwe ee Zanu-PF ayaa Madaxweyne Mugabe ka qaaday xilka hoggaaminta xisbigaasi Maanta, ka dib kulan ay ku yeesheen Magaalada Caasimadda ah ee Harare.

Waxaa loo magacaabay in Xisbiga uu hoggaamiye ka noqdo Madaxweyne ku xigeenkii hore, Emmerson Mnangagwa, kaasi oo uu Laba Toddobaad ka hor uu Mugabe Xilka ka qaaday.

Shaqo ka Caydhintii Mr. Mnangagwa ayaa sababtay qalalaasaha siyaasadeed ee dalkaasi ka jira, taas oo dhalisay in Milletariga uu maamulka dalka la wareego si ay 93-sano jirka Zimbabwe hoggaaminayay 37-sano, uga hor istaagaan in xaaskiisa Grace ka dhigo Madaxweynaha dalka.

Tobannaan kun oo Qof ayaa Shalay oo Sabti ahayd ka qeybgalay dibadbaxyo ka dhan ahaa qoyska Mugabe.

Mr Mugabe ayaa Maanta oo Axad ah la filayaa in uu la kumo hoggaamiyayaasha militariga, waxaana la arkayay gawaadhi ka soo baxaysa gurigiisa gaarka ah ee Caasimadda Harare.

Dagaalyahankii hore ee galaangalka badan ku leh dalka, Chris Mutsvangwa, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in xisbi ahaan ay isu diyaarinayaan sidii ay Mugabe uga qaadi lahaayeen xilka Madaxweynaha dalka.

Sidoo kale, Wakaaladda Reuters ayaa baahisay in  Grace oo ah Xaaska Mugabe lagala noqday dhammaan shaqooyiinkii ay ka haysay xisbiga Zanu-PF.

Dhacdooyiinkii ugu dambeeyay:

  • Laba Toddobaad ka hor, Mr Mugabe wuxuu shaqada ka ceydhiyay ku xigeenkiisii Mr Mnangagwa, ninkaas oo ka dib dalka ka cararay.
  • Taliyaha Ciidamada, Janaraal Gen Constantino Chiwenga, ayaa sheegay in militariga ay faragelin sameynayaan si ay wax uga qabtaan dhibaatada ka dhex taagnayd xisbiga.
  • Ka dib waxaa dhalleeceeyay taageerayaasha Mugabe
  • Arbacadii, militariga waxay la wareegeen Warbaahinta qaranka waxayna ku dhawaaqeen in ay ka hortagayaan dembiilayaal ay sheegeen inay ku hareereysan yihiin Mugabe
  • Mr Mugabe wuxuu markaasi ka dib galay dhowr maalmood oo xabsi guri ah
  • Sabtidii, dibadbax ballaadhan oo aan la fileyn ayaa ka dhacay Zimbabwe kaas oo lagaga soo horjeeday Mugabe iyo dadka taabacsan.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

info@hargeisapress.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here